Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti ka Socday Maraykanka?

0
433

HARGEYSA (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  shalay xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socday dawladda Maraykanka oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka. Weftigan Maraykanka ah oo ay Hoggaaminayso Ku xigeenka  Hay’adda kaalmooyinka dibada u qaabilsan Maraykanka  ee USAID Mrs. Etim Linda  iyo danjiraha wadankaasi u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
Kulankaasi ka dib waxa warbaahinta si wada jir ah ula hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis Iyo Ku xigeenka  madaxa Hay’adda USAID. Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland ayaa ka hadlay qoddobadii ay la soo qaadeen weftigan, waxaanu yidhi “Waxa maanta halkan (Somaliland) inoogu yimid wefti sare oo ka socda Maraykanka oo ay Hoggaaminayso  gabadh ah ku xigeenka Hay’adda kaalmadda Marakaynka ee USAID iyo  danjiraha Maraykanka u qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya, waa weftigii inoogu horreeyay ee  dalkaasi ee heerkan inoogu yimaadda, waxaanu ka wada hadlaynay sidii labada wadan cilaaqaad cusub oo waxtar leh  u yeelan lahaayeen.”
“Mashaariic badan ayay imika USAID Somaliland siisaa,hase yeeshee waxaanu kala hadlaynay sidii loo kordhin lahaa oo cilaaqaadka labada wadan loo xoojin lahaa iyo sidii aanu u wada shaqayn lahayn,”ayuu intaasi ku daray Wasiirka Khaarajigu.   Ku xigeenka  Hay’adda USAID Mrs. Etim Linda  ayaa sheegtay in booqashadeedani tahay tii ugu horeysay ee ay ku timaado Somaliland isla markaana ay la dhacday nabadda, xasiloonida iyo dawladnimada Somaliland.
“Booqashadani waa socdaalkaygii u horeeyay ee aan Somaliland ku imaado, waanan ku faraxsan nahay booqashadayda iyo sida la yaabka leh ee la iigu soo dhaweeyay, waxaanu ka wada hadlaynay madaxweynaha iyo dawladda Somaliland sidii aanu u falan-qeyn lahayn hanaanka aanu u sii wada shaqayn doono,”ayay tidhi Mrs. Etim Linda, waxaanay intaasi raacisay “USAID waxa ka go’an inay sii wado oo Somaliland kala shaqayso dhinaca  horumarinta.”
Madaxweynaha waxa kulankaasi ku weheliyay madaxweyne Ku xigeenka Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha dibada, Qorshaynta, Madaxtooyadda iyo xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply