Xukuumadda Oo Sheegtay In Aanay Waxba iska Bedelin Heshiiskii Maamulka Hawada Ee Ay La galeen Somalia

0
593

Hargeysa (DAWAN)- Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay in aanay waxba iska beddelin heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalka Turkiga ee dhigayey in maamulka hawada si dhexdhexaad ah looga maamulo caasimadda Hargeysa, inkastoo hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan hawada shaacisay inay maamulkeeda hawada ku wareejiyeen dawladda Muqdisho.
Wasiirka Biixi oo warbaahinta uga warramay shalay safar isaga iyo Wasiirka Madaxtooyadu Xirsi Cali X. Xasan kaga soo noqdeen dalka Turkiga  waxa uu sheegay in wadahadal ay wefti ka socday dawladda Soomaaliya la soo yeesheen toddobaadkan ay isku afgarteen dhammaystirka farsamooyinka heshiiska maamulka hawada ee hore loo gaadhay, isla markaana go’aanka ICAO oo uu ku arkay warbaahinta oo aannu ahayn mid wax ka beddeli kara heshiiska labada dhinac gaadheen.
“Waxaannu isla garanay in shirka wadahadalka la qabto bisha January 15 ilaa 16-keeda ee 2015, waxaanna waxyaabaha aannu ku goosanay ka mid ahaa in arrimaha hawada iyo duulimaadyada labada wasiir (Somaliland iyo Soomaaliya) iyo kooxahooda farsamada iyo khubradoodii berigii hore tagtay Turkiga ay tagaan oo annagoo guddigii wadahadallada ah iyaguna dhinacayada ku qabsadaan shir ay ku xallinayaan qadiyaddan.
Waxaan ku arkay telefishanka wasiirkooda (Soomaaliya) iyo Xoghayaha guud ee ICAO oo hadlayey, runtii isku mid maaha wixii aannu ku wadahadalnay iyo wixii halkaa ka soo baxay, iyagu waxay nagu leeyihiin sidii wasiirradii timi ka sheegeen shirkayagii in labada wasiir ee hawada iyo kooxihii farsamadu ay iman doonaan oo shaqadu sidii loogu heshiiyey aynu u geli doono, wadahadalladiina halkoodii taaganyihiin. Waxay ila tahay in aynu sugno bisha 15 – 16-keeda, waayo wasiirkii hadlay dawladiisii dhacdayba oo kuma jiro,” ayuu yidhi Md. Maxamed Biixi.
Waxa kale oo uu xusay in Somaliland ay ka go’antahay sidii xaqeeda u heli lahayd iyo fulinta heshiiskaasi hore loo gaadhay, waxaannu yidhi, “Annaga way naga go’antahay in aannu xaqayagii iyo wixii lagu wadahadlay siday ahayd iyo sidii aannu ku heshiinay sidoodii loo maro, loona dhaqangeliyo, taas ayaanu ku heshiinay in wax loo qaybsado oo ahayd in xafiiska laga maamulayo hawadu halkan Hargeysa ahaado, laakiin farsamooyinka, maadaama annagu aanaan ahayn khubaro duulimaadyada hawada ah in aannu u yeedhano ICAO, labada wasiir iyo kooxda farsamada. Waxaannu filaynaa in arrinkaasi sidaas ku dhammaan doono Isha Allaahu.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply