Wasiirka Ciyaaraha Oo Abaal-marinno Guddoonsiiyay Jaamacaddo Ku Guulaystay Tartan Loo Qabtay

0
391

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland ayaa abaal-marino guddoonsiisay saddex jaamacaddood oo ku guulaystay tartan nooca ciyaaraha fudud ah oo loo qabtay lix jaamacaddood oo ka jira caasimadda Hargeysa.
Tartankan oo la qabtay 30-kii bishii hore, isla markaana dhamaaday 2-dii bishan  oo ay ku guulaysteen jaamacadaha Hargeysa, Admas iyo Alpha, kuwaasoo la guddoonsiiyay koobab iyo billado lixda jaamacadood, waxaana tartankaas ku hadhay jaamacaddaha Abaar tech, Gollis iyo Beder, waxaana ku tartamayeen orodada kala duwan sida orodka 8-boqol ee mitir, kun iyo shanta boqol ee miti,r afarta boqol ee mitir iyo labada boqol ee mitir iyo jawaan ku orodka.
Waxaana xafladaas ku wehelinayay wasiirka ciyaaraha guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud, masuuliyiinta jaamacaddaha abaal-marinta la guddoonsiinayay iyo dhalinyaradii orodka ku guulaysatay.
Guddoomiyaha xidhiidhka ciyaaraha fudud Mustafe Cali Nuur oo isagu  ugu horeyn madashaas ka hadlay ayaa waxa uu faah-faahin ka bixiyay heerka uu marayo xidhiidhka ciyaarha fudud iyo waxa u qorsheysan, waxaanu yidhi, “Xiidhiidhka ciyaaraha fUdud waxa u qorsheysan sidii ay dhalinyaradu isu-dhexgali lahayd, isla markaana  ay uga  badbaadi lahaayeen tahriibka, qaadka iyo aafooyinka kale ee maanta waddankeena ku soo biiray, sababta aanu ciyaarahan u qabanayna waa sidii aanu uga mashquulin lahayn arrimahaas,” isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Waxaa noo qorsheysan mustaqbalka fog iyo ka dhowba inaanu kor u qaadno orodka dhalinyarada Somaliland meeshii loogu talo galayna aanu gaadhsiino intaanu joogno, sannadka soo socda waxaa noo qorshaysan inaanu kala saarno heerarka ay lahaayeen ciyaartoydu oo heerka koowaad ee A-da iyo ka labaad ee B-da  iyo ka saddexaad inaanu dhameystirno. Waxa kale oo noo qorsheysan sannadka kale inaanu gobollada kale ee dalka aanu maamul daadejin u sameyno, gaar ahaan lix-da gobol ee waaweyn. Sidoo kale waxa qorshaha noogu jira inaanu samayno xidhiidho caalami ah, gaar ahaana qaarada Afrika, waxaana dhawaan noo qorsheysan inaanu xidhiidh la samayno dalalka Ethopia, Jabuut, iyada oo aanu horeba xidhiidh ula laheyn Kenya iyo waddamada kale ee aynu jaarka nahay ee inagu dhaw. Waxa kale oo noo qorshaysan inaanu waddanka ka qabano sannadkan Haaf-Maaratoon oo ay ka soo qayb galayaan ciyaartoyda waddamada aynu jaarka nahay iyo ururka caalamiga ah ee IFF.”
Waxaa kale oo isaguna madashaas hadal ka soo jeediyay guddoomiyaha jaamacad Alpha Cabdiraxmaan Maxamad Maal oo sheegayna inay si weyn ugu faraxsan yihiin inay ka soo qayb-galaan tartankan jaamacaddaha caasimadda, waxaanu dawladda iyo dadkana ugu baaqay in la horumariyo orodada noocan oo kale ah maadaama adduunyada cid weliba ay wax caan ku tahay, waxaanu yidhi isagoo arimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Caafimaadka iyo ka qayb qaadashada is-dhexgalka bulshada dhalinyarada, sida aad kawada war-qabtaan adduunyad cid walba waxbay caan ku tahay inagu markaa waxaynu ku wanaagsanahay orodka markaa dawladdu xil weyn hayska saarto sidii ay muhiimada koowaad u siin  lahayd orodka Somaliland dadka ku nool meelaha sare sida Tog-wajaale, Sheekh iyo Sanaag ayaa inta badan qaata kaalmaha orodka, markaa haddii la xoojiyo orodka waxaa soo bixi doona rag badan oo magac ku leh bulshada.”
Waxaa kale oo isagu halkaas ka hadlay guddoomiyaha jaamacada Hargeysa waxaanu yidh, “Waxaa aniga farxad ii ah in jaamacadaha loo furo weji cusub oo muhiima, waxaanay aad muhiim uguy tahay xaga is-dhexgalka bulshada,
Ugu dambayn waxa munaasibadaas ka hadlay wasiirka wasaaradda dhalinyarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Cali Siciid Raygal waxaanu yidhi, “Farxadbay inoo tahay inaynu ka soo wada qayb qaadano xafladan lagu soo gabagabeeyay tartankii ciyaaraha fudud ee jaamacadaha caasimadda Hargeysa ,waatan camal la,aani waddanka ka jirtee bal in  horta la arko in camalka iyo lacagtuba ay adinka idin ku jiraan oo taa lafteeda hoos loo eego waanad ogtihiin oo maanta dadka ugu milyaneersan adduunka, uguna adduunka badani waa dadka orda ama kubadda ciyaara, waana shaqada ugu fudud ee uu qofku qaban karo oo iska daa mid jaamacado soo bartee laga yaabo inay cagtaadu kuu soo hoyso dhaqaale fara badan oo kugu filan qofka ciyaara ama ordaana wax kasta waa uu ka qayb qaadan karaa waxaana laga yaabaa in Illaahay ku guuleeyo oo uu noqdo nin dheereeya oo orodada caalamka ka qayb qaata oo jamhuuriyada Somaliland ee maanta ictiraafka loo raadinaayo uu keeno aqoonsigii oo indhihii caalamka uu inoo soo jeediyo.”
“Ciyaaruhu waxa ay ka mid yihiin waxa aqaoonsiga keeni kara markaa qiimo aad u weyn ayay ciyaaruhu inoo leeyihiin hadday orod noqdaan iyo hadday ciyaaro kale noqdaanba, marka waxaa loo baahan yahay inaynu ka wada qayb qaadano mid iskuul dhiganaya iyo mid jaamacad dhiganayaba inaynu ka ballano kana wada qayb qaadano, waayo maanta waxa dalkeena ugu badani waa dhalinyaro waxaan ay ku habsaameen waa hadal.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirku.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply