Qaab Cusub Oo Lagu Nashqadeynayo Dhismaha Waddooyinka Oo Hargeysa Lagu Soo Bandhigay

0
387

Hargeysa, (Dawan)- masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa ka qaybgalay kulan lagu soo bandhigayay maadooyin kiimiko ah oo lagaga maarmayo daamur iyo jay’iga lagu dhiso waddooyinka, kaasoo ka jaban qiimo ahaan 50% in ka badan agabkaas hore.
kulankaas waxa ugu horeyn kulankaas ka hadlay maayarka caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) waxa uu ka waramay qiimaha tayo ahaan uu leeyahay habkan cusub ee la soo bandhigay, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay, “Waxa aynu nahay dal yar oo dhawaan ka soo doogay dagaalo, oo laamiyadiisa iyo waddooyinkiisa burbur badan ku dhacay, haddaba haddii ay inoo hirgasho habka cusubi, waxa ay inoo sahlaysaa inaynu waddooyin badan dhisano, waxa aan shirkaddan iyo cid kasta oo fikirkan keentayba dalka waan ku amaanayaa, waxaana berrito (maanta) hirgelinta qaabkan cusubi lagu tijaabinayaa  waddadan Jaamacadda, waxaanan Illaahay ka rajaynayaa inay inoo hirgasho tijaabadaasi.” Sidoo kale waxa isaguna halkaasi  ka hadlay wasiirka madaxtooyada Xirsi  Cali Xaaji Xasan, waxaanu sheegay in habkan cusubi  50% tayo ahaan iyo qiimo ahaanba uu ka jaban yahay  qaabkii hore, waxaanu bogaadiyay shirkada Mandar ee fikirkani soo jeedisay, waxaanu hadalkiisu ku bilaabay  oo uu yidhi, “Shirkaddan waxaanu isku aragnay shirkii maalgeshiga ee Somaliland ee Madaxweynuhu  London ka furay, waxa ay noo soo bandhigeen fikirkani laga isticmaalo meelo badan oo dunida ka mid ah, qiimo ahaana uu aad uga wanaagsan yahay daamurkii,  jaygii iyo ciidii la isku dari jiray, haddii aynu isla helno qiimo jebin iyo tayo wanaagsan, wax badan ayay inaga furanaysaa, waxa annaga wasaarad ahaan qorshaha noogu jira inaanu samayno waddo isku-xidha badda iyo bariga Somaliland oo ku wareegta dalka oo dhan, markaa Insha Allaahu waxa aynu tijaabo ku eegi doonaa berry (maanta) wadxada Jaamacadda Hargeysa.”
Waxa isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka wasaaradda biyaha Xuseen Axmed Cabdulle oo isaguna sheegay inay aad u soo dhaweynayaan habkan cusub  ee lagu nashqadaynayo waddooyinka,  lagagana maarmayo daamurkii lacagta badani ku bixi jirtay, wuxuuna sheegay in dhinacooda ay u istimcaali doonaan samaynta balliyada iyo baraagaha oo uu wax weyn ka tarayo qaabkan cusubi, oo hirgalintiisa iyo waxtarkiisuba ka wanaagsan yihiin tayo ahaan noocii hore ee aynu isticmaali jirnay.
Guddoomiyaha shirkada Mandar Group oo ah shirkadda keentay habkan cusub ee kiimikada ah ee lagu dhisayo waddooyinka Iid Cali Salaan  ayaa faahfaahin ka bixiyay waxaanu yidhi, “Qaabkan cusub ee kiimikalka ah ee lagu  nashqadeynayo waddooyinka, waxa markii u horeysay isticmaalay ciidanka Mareykanka, waxaana daraasadii u horay laga sameeyay ee fikirkan (University of Taxes), waxaanu fikirkani oo u gudbay waddamo badan oo isticmaala, waxa aan maanta ku faraxsanahay in dalkayagu ka mid noqdo dalalka isticmaalay, inagoo waddadan Jaamacadda Insha Allaahu burrito (maanta) tijaabadii koowaad ka hirgalin doona.”
By: Idiris M.Xasan
“Madaxweynaha Puntland  ma Iman Karo Badhan”

Leave a Reply