Xisbiga KULMIYE Oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Eedo Loo Soo Jeediyay Oo La Xidhiidhay Inay ka Dambeeyeen Rabshado ka dhacay Xaflad Waddani ku Qabsaday Hargeysa

0
417

Hargaysa (Dawan): -Xisbiga talladda dalka haya ee Kulmiye ayaa dhinac isaga leexiyay eedaymo ay u soo jeediyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaridka  ah ee Waddani, kuwaasi oo xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay ka dambeeyeen rabshaddo Khamiistii  ka dhacay Huteelka Crown ee magaaladda Hargaysa,  halkaasi  oo lagu qabanayay xaflad loo sameeyay taageereyaal ku soo biiray  xisbiga Waddani kana soo baxay xisbiga UCID.
 
Xoghayaha  Guud ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Xasan Siciid Yuusuf, oo shalay u waramay Dawan, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymahaasi, Isla markaana ay tahay been cad oo aan sal iyo raad lahayn eedaymahaasi  ka soo yeedhay masuuliyiinta Waddani iyo sidoo kale mulkiilaha Huteelka Crown.
 
 
Waxaanu  sheegay in rabshadihii doraad ka dhacay halkaasi ay ahaayeen kuwo ka dhashay  ka dib markii xisbiga Waddani ee Huteelkaasi xafladda ku qabsanayay ay al-abaabka  ka xidheen   qaar ka mid ahaa  taageereyaashii iyo dadkii iyaga la socday ee halkaasi joogay, isla markaana ay taasi sababtay rabshadihii khasaaruhu ka dhashay.
Xasan Siciid ayaa waxa uu ayaan darro ku tilmaamay in masuuliyiinta xisbiga Waddani ay xukuumadda kula soo gal-gashaan dhibaatadii halkaasi ka dhacay, isla markaana ay had iyo jeer xukuumadda ku eedeeyaan waxyaabo raqiis ah oo aan macno lahayn,  isagoo arrimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Arrinta  ku saabsanayd rabshaddii shalay (doraad) ka dhacday Huteelka Crown oo xisbiga Waddani uu ku lahaa xaflad, ayaa masuuliyiin xisbiga Waddani ka tirsan iyo mulkiilaha  Huteelka Crown-ba  waxay ku eedeeyeen in xukuumaddu ka dambaysay arrintaasi, waxaanu halkan ka cadaynaynaa xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye midna    in aanu arrintaasi shaqo ku lahayn. Rabshadihii halkaasi ka dhacay waxa ay ahaayeen kuwo ka dhashay dadkii ay halkaasi keeneen ee ciyaalka ahaa ee meesha joogay ayay qaar ka mid ah al-baabka ka xidheen sida aanu warka ku helnay, dabadeedna halkaasi ayay rabshaduhu ka dhasheen iyaga iyo dadkii ay wateen ayaanay ka dhacday, arrintaasi waa mid aanay waxba ka jirin.”
 
“Waxa  ayaan darro ah in dad waaweyn oo masuuliyiin xisbi ah inay had iyo goor ku eedeeyaan xukuumadda eedaymo  raqiis ah  oo aan wax macno ah lahayn, markaa arrintaasi waa mid been ah oo aanay waxba ka jirin haba yaraatee, ”ayuu yidhi Xoghayaha xisbiga Kulmiye.
 
Xoghayaha Guud ee Kulmiye waxa kale uu hadalkiisa ku yidhi “Masuuliyiinta xisbiga Waddani ka tirsan iyo taageereyaashoodu nasiib daradoodu waxa weeye iyaga oo aan faham iyo garasho u lahayn hab dhaqanka siyaasadeedka xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo dalka ku hogaamiya siyaasad maamul oo ku salaysan  masuuliyad  qaran oo mug iyo miisaan culus leh oo ka kortay siyaasadaha raqiiska ah ee qas iyo rabshado abuurka ah.  Xukuumaddu iyada ayaa ka masuul ah oo u xil-saaran ilaalinta nabadgelyadda guud ee dalka, iyo ammaanka nafta iyo hantida muwaadiniinta Somaliland, sidaa darteed, waa caqli nacas iyo maangaabnimo caqliga ku fikiraya ama ku hadaaqaya xukuumadii u xil saarnayd ilaalinta amaanka ayaa ka dambaysa inay abuurto falal rabshadeed oo ku lid ah amaanka iyo nabadgalyada. Markaa waxa ku haboon inay eedaynta raqiiska ah kula galgashaan meel kale”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply