Hargeysa (DAWAN) Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha Bulshadda Somaliland Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa Bulshadda ugu baaqay in laga guuro dhibaatadda uu leeyahay Gudniinka fircooniga ahi.
Marwo Shukri Xariir oo shalay ka hadashay Kulan lagu soo gabo-gabaynayay oo lagaga hadlayay olole Bulshadda lagaga wacyi-gelinayay tacadiyadda ka dhanka ah Haweenka Somaliland, waxaanay Shacabka ugu baaqday in laga qayb-qaato sidii loo joojin lahaa tacadiyadda lagula kac Haweenka.
“Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha Bulshaddu iyada oo kaashanaysa Ururadda Samo-falka, waxaanu wadnay muddo 15 Maalmood olole lagaga hadlayay tacdiyadda ka dhanka ah Haweenka ee dhibaateeya, taasi oo aanu maanta (shalay) soo gabogabaynay,”ayay tidhi Wasiir Ku xigeenka shaqaddu.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqadda iyo arrimaha Bulshada Marwo Shurgi Xasiir Ismaaciil oo hadalkeedda sii wata, waxa u tidhi “Waxaanu baaq gaaban iyo mid dheer-ba ku soo jeedinaynaa in laga guuro oo laga tanaasulo Dhaqankaasi dhibaataynaya Haweenka reer Somaliland lana raaco Shareecdda Islaamka, waayo Ummadd Islaam ah baynu nahay waa in aynu ka faa’iidaysano dhibaatadda uu Gudniinka Farcooniga ahi leeyahay Shareecadda Islaamku waxay ka qabto aad u ogaadda, dabadeedna Hablihiina ka ka xoreeya dhibaatadda Gudniinka.”