Hindiya: Dad Ku Indho Beelay Qaliin Bilaash Ah

0
376

Dalka Hindiya toddobaadkan waxa ka dhacay arin naxadin leh ka dib markii ay bulshadu maqashay wararka sheegaya in 14 qof ay ku indho beeleen qaliin indhaha loogu jeexayay oo bilaash ah. Warkan oo ay soo tebiyeen wakaaladaha wararka ayaa dalkaasi gelisay xaalad fawdo ah. Saxaafadda caalamka aya iyana si rasmi u tebisay inay si buuxad ah u indho beeleen 14 ka dib markii lagu sameeyay camilyad indhah loogu jeexayay oo fashilantay. Sida la cadeeyay  qaliinkan waxa sameeyaya koox dhakhaatiir ah oo aan aqoon hore lahayn. Shilkan aya ka dhacay xarun caafimaad oo bilaash ahayd kuna taalay gobolka Punjap ee dalka Hindiya. Dad badan oo uu Hindi aadna faqiir u ah kan cabanaya aragood oo daciifay aya xaruntan yimi si ay uga faa’iidaystaan lakiin nasiib daro waxay xarunatni ku samaysay  indho la’aan rasmi. Bulshada  aya codsatay in la soo xidho xaruntan iyo dhakhaatiirtan  oo ka dhigtay xarunta beer ay ku tababar qaataan tijaabona ku sameeyaan  dad  aqoon lahayni. Qaliinada  bilaashka ah ayay inta badan sameeyaan dhakhaatiir  cusub oo aan waayo arag ahayn.

Leave a Reply