Cuqaasha Boorame Oo Cambaareeyay Hadal ka Soo Yeedhay Suldaan Reer Awdal ah

0
380

Boorame (DAWAN)-Qaar ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka Beelaha Habar-cafaan ee gobolka Awdal ayaa Shir  shir jaraa’id oo ay qabteen  Boorame,waxay ku naqdiyeen hadal qaranimada Somaliland ka soo horjeeday oo ka soo yeedhay mid ka mid ah salaadiinta gobolkaas.

Caaqil Axmed Diiriye  oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inaanay jirin wax iska bedalay mawqifkii reer Awdal ay ka taagnaayeen dawladooda Somaliland, waxaanu duray hadalkii xajiinta lahaa ee ka soo yeedhay Suldaan Wabar, waxaanu yidhi “Annagoo ka mid ah cuqaasha beelaha Habar-cafaan,  Baryahan dambe waxaa gobolka ka jirtay arrimo khal-khal gelinaya amniga Gobolka Awdal,Waxaanan cadaynaynaa ka beel ahaan aan jecel nahay oo aqoonsan nahay qarankayaga  Somaliland,waxaanan  cadaynaynaa  inaanay  jirin  Somaliland beel beel kale xukuntaa. Dawlada Somaliland waxaa laga dhisay Gobolka Awdal,  shalay reer awdal  ayaa  madaxweyne ka  ahaa,oo daraad madaxweyne  ku xigeen ka ahaa oo maanta madaxweyn ku xigeen ka ah oo aanu  annagu gacantayada  ku dhisnay,  waa nusqaan inaan nidhaahno qabiil baa na haysta, waxaanan leenahay qabiil qabiil haystaa ma jirto.”

 

“Haddii Saami iyo wax tabasho jirto beelaha Gadabuursi waxa ay u xil-saarteen Suldaannadooda oo ay ka  dhursugayaan,waxaanan leenahay hadalo la sheeg-sheegayo, waxaanu ogol nahay maaha amni darro in gobolka laga sameeyana ma ogolin,”ayuu intaas raaciyay Caaqil Axmed Diiriye.

Sidoo kale waxaa isna halkaas hadlay  Caaqil Cabdi C/laahi, waxaanu  yidh “Marka hore waxaan salaamaynaa annaga oo ah cuqaashii beelaha Habar-cafaan, madaxweynaha iyo madaweyne ku xigeenka Somaliland marka xiga waxaan leenahay gobolka Awdal uma baahna ,Carqalad,dhibaato iyo khalkhalin, uma baahna Mana ogolin,cid na haysataa oo gobolkayaga haystaa iyo dadnimadayada ma jirto waxaanan leehaya gobolkani mudnaan ayuu ka leeyahay Somaliland,waa hooyadii Somaliland ee lagu dhisay.”

Caaqil Cabdi Cabdilaahi waxa uu sheegay inaanay sina u aqbalaynin cid kasta oo doonaysa inay qas ka dhaliso gobolka Awdal, waxaanu tilmaamay inay soo dhawaynayaan in ciidammadda ammaanku ay waajibaadkooda ka qabsadaan cidii mushkilad ka wada gobolka.

Gabogabadii  waxa iyaguna halkaasi ka hadlay  Caaqil Faarax Xaaji Boqore,Caaqil Aadan Maxamuud Ismaaciil (Aadam Danno),Caaqil Ibraahim Qalinle Bookh,Caaqil Iimaan Miisaan Jaamac Iyo Caaqil Axmed Baaruud waxa ayna dhamaantood sheegeen in nabadgalyada iyo qaranimadu tahay mid qaaliya oo lama taabtaana cidii wax u dhintana ay xukuumada u dabafadhiyaan kuna garab taagan yihiin wax ka qabashadeeda.

Leave a Reply