Xoghayaha Wakiiladda Oo Waraaq Digniin ah Loo Qoray Markii Uu Ka Muquurtay Fadhiyadii u Dambeeyay

0
357

HARGEYSA (DAWAN)- Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa loo  qoray waraaq digniin ah, ka dib markii uu labadii fadhi ee ugu dambeeyay ee aqalkaasi yeeshay uu ka soo xaadiri waayay, siday DAWAN u xaqiijiyeen ilo war-galeen ah oo ku dhow dhow aqalkaasi.

Xoghayaha Guud oo ka tirsan xisbiga WADDANI ee Guddoomiye Cirro ayaa go’aansaday inaanu fadhiyadda Golaha ka soo xaadirin wakhtiyadda uu Guddoomiyaha  Wakiiladdu dalka ka maqan yahay, taasina waxay dhalisay in waraaq digniin ah o oculus uu u qoro Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiiladda Md. Cali Yuusuf Axmed.

Guddoomiye Ku xigeenka labaad ee Wakiiladdu waxa la sheegay in qoraalka digniinta ah ee uu u qoray Xoghayaha Wakiiladda uu tafaasiil ka siiyay waajibaadka shaqada Xoghayaha Golaha, waxaanu  ku booriyay in haddii uu ka waan-toobi waayo dhaqankaas foosha xun in laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo uu shaqadiisa loo magacaabi doono masuul xil kas ah oo hanan kara xilkaas culus.

Labadii fadhi ee ugu dambeeyay oo uu Guddoominayay  Ku simaha Guddoomiyaha, ahna Guddoomiye Ku xigeenka Labaad ee Wakiiladda Md. Cali Yuusuf Axmed , waxaanay Xildhibaanadu ka doodayeen xeerka duurjoogta. Xoghayaha ayaa waxa uu kaalin ku lahaa qorshihii lagu foojariyeeyay xeerkii diiwaan-gelinta madaniga ah ee khilaafka ka dhex abuuray Golahaasi.

Guddoomiye C/Raxmaan Cirro Iyo Guddoomiye Ku xigeenka Koowaad Md. Baashe Maxamed Faarax ayaa ku sugan dalka Itoobiya oo lagu marti qaaday xuska maalinta qowmiyadaha.

 

Leave a Reply