“Boobe, Waxaan Leeyahay Madaxweynaha ka daa Dacaayadaha Aan Jirin, Haddii Lagu Bedalay Cudur Ma aha” Wasiir Samaale

0
367

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa   Wasiirkii hore ee warfaafinta Boobe Yuusuf Ducaalle, ugu baaqay in uu  aanu xaqirin wax-qabadka xukuumadda isla markaana uu joojiyo dacaayadaha waxba kama jiraanka ah ee uu ka faafiyo Madaxweyne Siilaanyo.

Wasiir Samaalle waxa uu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay xaflad shalay lagu daah-furayay dhisme laba dabaq ah oo ay dhisteen dalladda guud ee ay ku bahoobeen dhalinyaradda Somaliland ee SONYO.

 “Waxa xaqiiq ah in wax-qabadka Xukuumaddu maanta meel fiican marayo, waa hubaal inaan adduunku maalin ku dhismayn, waa hubaal in meel kasta oo aynu gaadhno wax innaga dhiman yihiin,  laakiin waxaa la sameeyaa isbarbar-dhig, waxaanu leenahay isbarbar-dhig wixii hore ee la qabtay iyo waxaanu qabanay iyadoo aanan  Inkirayn wixii hore loo qabtay,  haddana 47 Milyan oo dollar  ayaanu ugu nimid Miisaaniyadda Dawladda,haddana waxay maraysaa 251 Milyan oo Dollar,  Abtigay Boobe ayaan u sheegayaaye, haddii aad intaas ii qirto oo aanad igaga masuugin waa wax wanaagsan,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu.

Md. Cabdicasiis Sammaalle oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi  “Waa inaad qirtaa farqiga u dhexeeya 47 Milyan iyo 251 Milyan dollar, adigu haddii aad ka mid noqoto Xukuumadd soo socota waxaad qabanayso la sug,  laakiin waa inaanad Madaxweynaha wax ka sheegin oo aanad odhan Madaxweynuhu dalka ma xukumo, yaa dalka Xukumma dalka haddii aanu  Madaxweynuhu xukumin, isagaa Wasiirka Magacaaba,  Wasiirkana Bedela, markaa haddii lagu Bedelay, bedelaadu ceeb iyo cudur maaha,xilka intaas oo qof ayaa isa soo bedelaya cudqad in laga qaado maaha.”

Wasiirku waxa uu ku dooday in ay xukuumadda uu ka tirsan yahay ay sheegto wax-qabadka dawladihii ka horeeyay, waxaanu yidhi “Annagu wax-qabad baanu sheegaynaa, shakhsi ma soo qaadno,waxa dadkii naga horeeyay qabteen ayaanu sheegnaa, waxaanu qabanay ayaanu sheegnaa, markaad Inkirayso ee aad leedahay Xukumaddu waxba may qaban,markaad leedahay Madaxweynuhu dalka ma xukumo ee aad beenta sheegayso, ka daa beenta dadka ayaan ku leeyahay, Madaxweynaha ayaa dalka xukuma isagaa cida uu doono bedala  cida uu doonana Magacaaba.”

Waxa kale oo iyaduna halkaasi ka hadashay Wasiir Ku xigeenka Caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan oo sheegtay inay lagama maarmaan tahay in la sii joogteeyo wacyigelinta bulshadda lagu dhacsiinayo dhibaatada haweenku kala kulmaan gudniinka fircooniga ah.

 

 

 

Leave a Reply