Caruurta Hurdada Xiliga Hore Ee Caruurtu Waxay Keentaa Firfircooni

0
438

Daraasad ay sameeyeen khubaro u dhalatay dalkaasi Maraykanka ayaa lagu sheegay in caruurta oo gelinka dambe maalintii seexataa ay hesho awood badan oo ay wax ku fahmi karaan waxna ku baran karaan,marka loo eego kuwa aan seexan ,madaama oo ay nasasho qaadanayso maskaxdu .
Waxaanay daraasadan cusubi muujisay in hurdadaasi ay keento in caruurtaasi nasiso qaybaha xifdiga ee maskaxda,iyada oo caruurta aan seexan ama hurdadoodu yartahayna ay dhibaato ku keento maskaxdooda,lagana yaabo inay noqdaan kuwo saskoodu badan yahay,waxanay sheegtay daraasadaasi inay hurdadaasi u fiican tahay caruurta da’doodu dhantahay saddex ilaa shan sanno .
Waxaanay cilmibaadheyaashaasi dhinaca hurdada ahi sheegeen in  caruurtaasi ay qaataan nasasho dib loogu habayn karo waxyaalahay school-ka kusoo qaateen maalintaasi,taasi oo ay kooxdan cilmibaadheyaasha ah oo ka socotay jaamacadda lagu magcaabo Massachusetts Amhers University ayaa daraasadan waday muddo .
Sida ay caruurtu maalintii u seexdaan iyo habeenkiiba ayay maskaxdooduna u kala qabataa waxyaalaha ay baranayaan ayay yidhaahdeen khubaradani,waxaana sheegeen in waxyaalaha cusub iyo waxyaalaha horeba ay noqdaan kuwo u kala duwan ,sida ay ku qoreen jariirad lagu magcaabo Proceedings of the National Academy of Sciences.
Madaxa kooxdan oo lagu magcaabo Rebbecca Spencer oo ah nin ku takhasusay Cilmi Nafsiga iyo kooxdiisan ayaa waxay ku sameeyeen cilmibaadhistan ilaa 40 ciyaala oo ay ku booqdeen Iskuulo kala duwan ,kuwaas oo aakhirkii soo saareen warbixintan ,iyaga oo markii ay daraasadan wadeen sidoo kalena ku daray samayn Gameska ay caruurtu ciyaartaa ku lee yahay caruurtaasi,waxaanay tilmaameen inuu waqti badan ka rido caruurtaasi ,sidoo kalena sawirada ay caruurtaasi ka arkayaan Gameskaasi ay yihiin waxa keliyaata ee maskaxdooda kusoo noqnoqonaaya.
Waxaanay kusoo geba gebeeyeen daraasadan inay u fiican tahay caruurta inay seexdan ugu yaraan maalintii ilaa 70 minit,taasina ay daalka ka yaraynayso maskaxda.

Leave a Reply