Hindiya: Xarunta Ganacsi Ee Hitler

0
381

Goob ganacsi oo lagu iibiyo dharka kuna taal dalka Hindiya ayaa loo bixiyay  magaca Hitler oo ah hogaamiyhii Naasiga ah ee Jarmalka.  jaaliyadda Yuhuudda ee degan dalkaasi ayaa aad uga xanaaqaday magaca Hitler ee loo bixiyay goobtan ganacsi. Laakiin mulkiilaha xaruntan ganacsi Rachesh Shah ayaa sheegay in magacan la odhan jiray isaga awowgii oo aanu isugu ula jeedin Naasiga.  Wargeyska Daily Telegraph oo arintan qortay ayaa intaasi ku dartay in mulkiiluhu uu sheegay in aanay dhib lahayn in la bedelo magacan haddii la bixiyo karashkii galay boodhka iyo bixinta magaca.

Leave a Reply