Hargeysa: Wiil Dhalinyarro Ah Oo Shufto Dhaawacyo Halis ah u Geysteen Oo U Mahad Celiyay Ciidanka Booliska

0
398

Hargaysa (Dawan): Waa dhibaato aad u weyn oo  si aad ah looga wada dareemay ama  ay u saamaysay dhamaanba bulshadda ku nool caasimadda Hargeysa. Waana  khatar joogto   noqotay sanadahan danbe, taasi oo galaafatay nolosha boqolaal dad ah oo aan waxba galabsan halka ay jiraan boqolaal kale oo ay dhaawacyo  khatar ahi ka soo gaadheen.
Waa halis amaan darro iyo khalkhal ku haysa dadka shacabka ah taasi oo aan ilaa hadda xal iyo maaro midnaba loo helin, waa dhaqan inagu cusub  iyo wax aan hore loo arag maqalkooduna uu iangu yar yahay.
 
Sida aynu la wada socono qof kasta oo ku nool magaaladda Hargeysana  uu ka warqabo, waxaa sanadahan dambe ku soo kordhay caasimada Hargeysa dhalinyaro shufto ah, iyagoo kooxo ah ayaa inta ay dariiqyadda   fadhiistaan waxay baadhasho kula kacaan bulshadda wadooyinka  maraya. kuwaasi oo xilliyadda habeenkii falal budhcadnimo ah ka geysta xaafadaha caasimadda.
Dhallinyaradaasi  shuftadda ah oo ku hubaysan  Mindiyo,  Soo-dhadh iyo Budhadh, Waxaanay ka qaataan  mobile-ka, lacag iyo wixii kale ee uu qofku markaa sito, waxaana dhacda in dadka marka ay baadhanayaan ay dhibaatooyin kala duwan oo sababa  dhimasho iyo dhaawacba  u gaystaan.
C/laahi Cabdi Yuusuf oo ku magac dheer  Nabad-doon, waa wiil dhalinyarro oo ku nool magaaladda Hargaysa waxaanu ka shaqeeyaa cusbitaalka Dr. Maxamed Aadan Sheekh,  15 bishii November ee aan ka soo gudubnay ayaa xili habeen-nimo ah  isagoo  shaqadda ka rawaxay, isla markaana u sii socda gurgiisa waxaa jidka u galay koox dhalinyarro ah, kuwaasi oo dhaawacyo halis iyo baadhasho intaba u gaystay.
C/laahi Cabdi Yuusuf, oo ka waramayay dhibaatadda ay kooxdaasi shuftada ahi u gaysteen waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa  in aan ummadda u soo bandhigo arrin igu dhacday,  xili habeen-nimo  ah  15-kii bishii ina dhaaftay ee November  9-habeenimo ayaa anigoo ka baxay cusbitaalka Talyaaniga ee Dr. Maxamed Aadan Sheekh ee magaalada Hargeysa oo aan ka shaqeeyo, ayaa anigoo  gurigayga ku sii socda ay jid gooyo ii galeen koox dhallinyarro  ahi, anigoo marayay markaasi meel ka danbaysa wadadda dhakhtarka weyn xagga danbe ka marta.   waxay igu dileen telefoonkaygii iyo in yar oo lacag ah oo aan jeebka ku sitay, iyagoon waxba i waydiin ayay dhulka iigu tureen, waanay i baadheen, dabadeedna mobile-kii iyo lacagtii ayay igala baxeen, dhibaato weyn ayaa isoo gaadhay laakin Illaahay mahadii waan ka kacay, dhamaantoodba waa la soo qabtay kuwii dhibtaasi ii gaystay.Markii ay dhulka iigu tureen, waxaa ii yimid baabuur jidka maraysay  ayaa ii is-taagtay dabadeedna meeshii ayaa la iga  tukubiyay, cusbitaalka Talyaaniga oo aan ka shaqeeyo ayaa la i keenay, ka dibna cusbitaalka weyn ayaa la ii gudbiyay, halkaasi ayaa la i dhigay. sawir ayaa   la iga qaaday, waxaa la igu yidhi beer yaradda ayaa qaraxday, beer-yaradii ayaa la iga saaray waan ka kacay dhibtaasi, dhamaanba  intii dhibta  ii gaysatay gacanta ayay ciidanka booliska ku soo dhigeen shacabka ayaana aad ula shaqeeyay”.
 
C/laahi Cabdi Yuusuf  (Nabad-doon), ayaa si aad ah ugu mahad naqay dhamaanba dadkii gacanta ka geystay daryeelka iyo la socodka xaaladiisa caafimaad intii uu cusbitaalka ku jiray, gaar ahaana gabadha madaxda ka ah cusbitaalka caruurta ee uu ka shaqeeyo.
“Waxaan halkan ugu mahad celinayaa dhamaanba dadkii cusbitaalka iigu yimid, ee xaaladayda caafimaad la socday, oo ay ka mid ahaayeen shaqaalaha aanu wada shaqayno, waxaan si gaar uga mahadnaqyaa ciidamadda Booliska Somaliland, gaar ahaan taliyaha saldhiga dhexe ee Hargeysa Maxamed Case, iyo sidoo kale gabadha cusbitaalka carruurta ee aan ka shaqeeyo  haysata Dr.  Dina oo aan iyadna aad iyo aad ugu mahad celiyayo, Ilaahayna  waan ugu mahadnaqayaa iga kiciyay dhibtaasi” ayuu yidhi C/laahi Cabdi Yuusuf oo ku magac dheer  Nabad-doon oo shalay u waramy DAWAN.
 
Isagoo ka waramayay  xaaladiisu sida ay ahayd markii cusbitaalka la dhigay iyo siodo kale hubka  ay kooxda shuftadda ahi u adeegsadeen ee dhaawacyadda halista soo gaadhsiiyay iyo kharashkii ku baxay hawsha qaliinka ah ee lagu sameeyay, waxa uu yidhi  “Markii la i sawiray feedhahayga waxba ma jabna, laakiin cadka ayaa burburay oo beer yaradda ayuunbaa  i qaraxday ka dib markii la i qalayna beer-yaradda ayaa la iga soo saaray dibna waa la ii tolay. Waxaa igu dhacay bakooradihii, budhadkii iyo laadkii ay ila boobeen ayaa i dilaaciyay beer-yaradda. waxaa igu baxday lacag ilaa $ 1500 dollar ah, waxaana iga bixiyay lacagtaasi dadka shacabka ah ayaa iga bixiyay iyo gabadha haysata cusbitaalka Talyaaniga ee Dina oo ah  gabadh u dhalatay dalka Serbia, wixii daawooyin ahaa oo dhana iyada ayaa iga bixisay. aad iyo aad ayuu caafimaadkaygu imika u fiican yahay oo waanigaa soconayaa, cusbitaalka waxaan ku jiray sagaal cisho. shaqadaydii waxaan ku rejo weynahay in aan dib ugu noqdo marka ay bishu dhamaato”.
 
“Waxaan leeyahay ciidanka booliska nimankii dhibkaasi ii gaystay waa  in sharciga la mariyo, sidaas ayaan ka codsanayaa ciidanka booliska iyo hay’adaha ku shaqada leh.Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Hargeysa Maxamed Case, aad ayuu iila shaqeeyay, aniguun ma aha ee  shacabka oo dhan sidaas ayuu ula shaqeeyaan,   waana nin daacad ah, waa nin dalka u shaqeeya, waxaanan leeyahay ama aan ugu baaqayaa madaxweynaha Somaliland iyo umadaba ninkaasi ha la ogaado si daacad ah ayuu u shaqaynayaa” ayuu yidhi C/laahi Nabad-doon.
Dhinaca kale C/laahi Cabdi Yuusuf  (Nabad-doon),  waxa uu baaq u diray  bulshadda reer Somaliland waxaanu yidhi “Waxaan ugu baaqayaa shacabka reer Somaliland dhallinyaradda shuftada ahi dhib ayay ku hayaan dadka iyo dalkaba waana in ciidanka Booliska lala shaqeeyaa, waa in wixii dhibta wada oo dhan ciidamada booliska gacanta loo soo geliyaa, oo aan laga aamusin, si dhalinyaradaasi wax looga qabto”.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply