Wasiirka Madaxtooyadda Oo Soo Bandhigay Toban Wax-qabad Oo Xukuumaddu U Qabatay Dhalinyarada

0
353

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa soo bandhigay toban qodob   oo ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u qabatay dhalinyaradda Somaliland oo aanay hore dhalinaradu u haysan ama aanay haabkaba ku hayn.
Waxaanu  sheegay in    tobanka qodob  ee xukuumadda talladda dalka  haysaa ay u qabatay dhalinyaradda Somaliland oo uu mid mid u tiring doono in ay diyaar u yihiin Xukuumad ahaan haddii ay sheegtaan wax aanay qaban ama aan jirin in uu isla madasha shirka  in ay u furan tahay in lagula doodo.
Wasiirku waxa uu sidaasi ka sheegay  hadal uu ka jeediyay Shirweynaha Dalladda dhalinyarada Somaliland  ee SONYO oo shalay  ka furmay Hoteelka   Guuleed ee magaaladda Hargeysa. Wasiir Xirsi oo taxayay tobanka qodob ee Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo dhalinarada isku garab taagtay  ee u hirgalay waxa uu  yidhi. “Waxaan tilmaamayaa toban shay oo ay xukuumaddu dhalinyarada la wadaagtay, waa kaalinta ay xukuumaddu dhalinyarada ka gaysatay, hadday been tahay haddaanaan u gurman, haddaanaan u guntan, waad beenin kartaa ee soo ka coo sheeg, waxaa ugu horreeya siyaasaddii dhalinyarada ee ay soo gudbiyeen ururada dhalinyarada ee kala duwan ee la soo mariyay wasaaradda dhalinyarada ee loo soo gudbiyay golaha xukuumadda, dood dheer kadib waa la ansixiyay, waxaanay siyaasadaasi aasaas u ahayd horumarka siyaasadda dhalinyarada, waa tii keentay in 25 jirka loo ogolaado in ay Maayarro ka noqdaan dalka, waxaana tusaale kuugu filan Maayarka degmada Oodweyne, waxaa kale oo halkan jooga Maayarka maayarka Gabiley, maayark ku xigeenka Hargeysa, tusaaleyaal badan ayaaa ka muuqda. Sidoo kale, xukuumaddu waxa ay shaqaalaysiisay lambar aad u badan oo gaadhaya shan kun oo qof oo dhalinyaro ah, waxaa kuugu marag ah, shalay may ahaan jirin dawladu wax loo shaqo tago, oo shaqooyinka dawladdu may ahayn wax la xiiseeyo oo la kala rito oo reeruhu ku cawdaan oo ay ku garnaqsadaan,  maanta se waxa ay noqotay maqaam sharaf iyo karaamo leh, oo mushahar fiican laga qaato.  Dhamaanteen xukuumadda u wada shaqayn mayno laakiin dawladdu waxa ay idiin abuuraysaa fursado iyo jaanisyo.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxaa afreeya, dhismahan aynu iminka joogno, mashruucii dhismihiisa dhulkana xukuumadda ayaa siisay, boqolkii kun ee ugu horreeyayna madaxweynaha ayaa shubay, dhamaan dadkii qaadhaanka bixiyay waxaa ka badnaa lacagta ay xukuumaddu bixisay. Shirkii dhalinyarada SONYO ee sannadkii ina dhaafay Madaxweynuhu goob joog ayuu u ahaa, markii ugu horraysay ee dhalinyarada SONYO oo shiraysa uu madaxweyne Somaliland ahi soo dhex fadhiisto, waxay muujinaysaa qiimaynta, waxay muujinaysaa in uu madaxweynuhu u soo jeedo dhalinyarada, waxay muujinaysaa kaalinta ay dhalinyardu ku leedahay dawladda iyo bulshada in ay garanayso, wax ku taraa maaha oo kaliya ka wax ku siiya ee waa ka ku dhiiri geliya ee ku gaadhsiiya meel aanad gaadhi Karin.”
Waxa kale oo uu wasiir Xirsi  si guud mar ah uga warramaya waxqabadyada muuqda ee Xukuumaddu intii ay xilka haysay ay dalka ka hirgalisay qaarkood kuwaaso dhamaantood ahaa horumarinta dalka.“Haddana aynu eegno xukuumadda doorkeedii qaranka, oo ah in ay qaranka taabo goliso, markaas ayay fursada dhalinyaraduna kordhaysaa, ‘waxa Saca u dan ah ayaa wayshana u dan ah’ qaranka toban wayn oo waawayn oo horumar ah ayaan sheegayaa.Waad garanaysaan lacagtii giimbaarta ahayd ee Soomaaliya, oo Burco laga bedelay oo Ceerigaabo laga bedelay oo Laascaanood-na qorshaheedii socdo oo hadda laga bedelayo, ogow lacagtu waa dawlad nimada asalkeeda, ogow in aad lacag leedahay waxay ka mid tahay tiirarka qaranku ku taagan yahay.
Miyaa la dafirayaa mushaharkii ciidamada iyo shaqaalaha ee laban laab la kordhiyay ee aan wax dhaca ahayn, xukuumaddu iyada oo wadata aqoonteeda iyo dedaalkeeda ayay tidhi mushaharka shaqaalaha boqolkiiba boqol ha la kordhiyo.Derajada ciidamada la siiyay miyaa la dafiri karayaa waa taa ay wada garbaha casyihiine, shalayna suko ayay ahaayeen aan kala sarrayne, hadda u fiirso ee may ahayn uun in maryahaa cas cas lagu talo uune, toban milyan oo dollar oo culays ku  ah bajadka qaranka ayay xukuumaddu ku dartay miisaaniyada, oo min dable ilaa ka janaraalka ah mid waliba la ay lacagi u korodhay, waxaas oo dhami ma ciyaar ayay ku yimaadeen, maya ee dedaal ayay ku timi..
Aan xuso Radio Hargeysa, miyuu jiri jiray Radiyo Somaliland ah oo dunida laga dhagaysto, maya ee waa taynu dhagaysan jirnay  Radio Gaalkacayo in badan oo idinka mid ahi, maanta Radio Hargeysa ayaa dunida oo dhan laga dhagaystaa, maaha Somaliland gudaheeda, maaha wadamada jaararka oo kaliya ee waxaa laga dhagaystaa daafaha dunida oo dhan, hadda ku darso oo kuwii jinku ku jirayna waxaa loo shiday Idaacadii quraanka” ayuu yidhi wasiirka madaxtooaydu.
 
Dhinaca kale Wasiirka ayaa  dardaaran wax ku ool ah iyo waano waayeelnimo u soo jeediyay guud ahaan dhalinyarada Somaliland o uu ku adkeeyay ilaalinta  wada jirkooda iyo ka dheeraanta qabyaaladda .“Waxaan jecelahay, dhalinyarooy mustaqbalkaaga yaanay cid kale kula wadaagin oo aan ahayn waalidkaa iyo cid kaa naxaysa, waxaan leeyahay mustaqbalkaaga ha luminin oo ha ku khamaarin, yaan cid kale ka talinin aayihiisa ee adigu ka tali mustaqbalkaaga, hana ogolaan in ay cid kale si khaldan kuu isticmaasho.Waxaan leeyahay Dhalinyarooy  waajibaadka ILLAAHAY ku saaray fuli, marka aad fuliso waajibaadka ILLAAHAY ku saaray ayay amuurtu kuu sahlanaanaysaaye. Sidoo kale waxaan leeyahay fulin danta guud oo ka horraysii danta gaarka ah, qadiyadda qarannimada ka  horraysii wax walba, wixii  ka soo hadda cid kale ha u danaynine naftaada u danee oo ha noqonin danlaawe dantiisa baylihiya.” Ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Wasiirka Madaxtooyadda oo ka hadlayay shirka ay dalladda SONYO qabsatay iyo sida uu u arko waxa uu yidhi   “Aad ayaan ugu faraxsanahay shirkan quruxda badan ee ay soo qaban qaabiyeen dallada dhalinyarada ee SONYO ee aadka u qiimaha badan leh. Dhalinyaradu sidii hore loogu sheegay waa dhuuxa iyo laf-dhabarta qaranka, waxaanay wada leeyihiin maamuuska iyo millgaha, waxaanay muujinaysaa in taas ay dawladdu garanayhso. Shalay waxaa idin la joogay madaxweynaha Somaliland oo furayay daartan quruxxda badan leh ee loo dhisay dhalinyarada Somaliland.  Maantana waxaa idinla jooga madaxweyne ku xigeenka qaranka iyo xubno aad u muhiim ah oo ka tirsan golaha xukuumada iyo sidoo kale dhalinyaro badan oo xukuumadda ka shaqaysa, intuba waxa ay u soo hiloobeen oo ay idiinku yimaadeen in ay idinla qaybsadaan farxadda, sidoo kale ay idinla fadhiistaan oo ay idinla eegaan aragtididiina sida aad wax u eegaysaan iyo halka aad wax ka soo eegaysaan ba.”
.
Wasiir Xirsi oo  ka hadlayay hanka dhalinyarada SONYO iyo sida  dedaalka ay muujiyeen iyo sida ay meel kasta oo danta dhalinyaradu ku jirto ay u garaaceen ee aanay uga caajisin.Waxana uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa mar labaad dallada dhalinyarada SONYO, waxaa ii muuqata dhalinyarada SONYO in aanay gacmaha laaban oo aanay  fadhiisan oo aanay odhan waxba qabsan kari mayno ee cidi wax ha inoo qabato, in ay ku dhaqaaqaan in ay dhisme bilaabaan, lacagtiisa ururiyaan, xukuumadda albaabkeeda garaacaan oo ay ka dhabeeyaan oo ay dhamaystiraan.Mar labaad waxaan ugu mahad celinayaa in aanay odhan waxba la ina waydiin mayo, in aanay noqon cuqdad meel fadhida oo tidhaahda waxba la inawaydiin mayo, dhalinyarada looma jeedo, waxba la ina siinmaayo ee ay shirkan oo kale soo qaban qaabiyeen, qof walbana ay yidhaahdeen fikirkaaga iyo waxa aad doonayso in aad sheegto  soo bandhig, sidoo kale ay xukuumaddii iyo madaxdii qarankana u yeedheen.”
 
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply