Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Furay Shirweynaha Qaran Ee Dhallinyarada Somaliland Oo ay SONYO Qabatay

0
362

Hargeysa (DAWAN)- Shir-weynaha Dhallinyarada Somaliland oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa oo kale ah ayaa shalay waxa uu ka furmay Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa, shirkaasi oo ay soo qaban qaabisay Dalladda Heer Qaran ee Dhallinyarada Somaliland ee SONYO iyada oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin sar-sare  hogaaminayay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Wasiirro, Agaasimayayaal, Maareyayaal, Maayarro, Saraakiil sarsare oo xukuumadda qaybaheeda kala duwan ka socota iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Dalladda Dhallinyarada dalka Nepal.
Shirkan oo ay ka soo qayb galeen in ka badan 4-kun oo dhallinyaro ahi waxa ay ka kala socdeen Jaamacadaha dalka, Dalladaha waxbarashada ee ka dhisan Somaliland, Urrada Bulshada ee dhallinyarada ee Lixda Gobo lee waaweyn kulankaasi oo socon doona muddo laba maalmood ah. Furitaankii xafladda shirweynaha Dhalinyarada Somaliland waxaa ka hadlay oo Furay Guddoomiyaha Dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO Mubaarak Ismaaciil Taani oo ka warramay xaaladda dhallinyarada Somaliland, sida ay dhallinyarada uga go’an tahay in ay dalkooda wax badan u taraan iyo kaalinta looga baahan yahay in ay buuxiyaan isaga oo xusaydhibaatooyinka badan ee dhallinyarada horyaalla in shirweynahan lagu niqaashi doono iyada oo maanta oo Khamiis ah shirkaasi laga soo saari doono go’aamo wax badan ka tari doona horumarka dhallinyarada Somaliland.
Md. Mubaarik Ismaaciil Taani waxa uu dhalinyarada kala hadlay arrimaha dhibaatada ugu weyni ka haysato sida Tahriibka iyo shaqo la’aanta waxaanu yidhi: “Waxaan rabnaa inaan waxyar ka taabto mushkiladda ugu weyn ee dhalinyaradeena maanta haysata oo ah Tahriibka iyo Shaqo-la’aanta” ayuu yidhi Md. Taani isaga oo hadalkiisa ku daray “Waad la socotaan inay dhibaatada Tahriibku tahay tan ugu badan ee ina haysata dhalinyaradiina ay badaha ku dhamaadeen markaa walaalayaal waxaan idin sheegayaa inaynu ka waan-tawno Tahriibka oo aynu dalkeena ku Iimaansano, la nimaad qorshayaal ahnu nafaheena iyo dalkeena ku hore marinayno oo aynu maskaxdeena ku tuujinayno.” ayuu yidhi Mr Taani. Guddoomiyaha SONYO waxa uu xusay in ay iman doonto wakhti-ay doontaba ha gaadhee in uu qofka Somaliland u dhashay casiis noqon doono dalkana shidaalka iyo khayraadka ku duugan laga soo saaridoono, jinsiyaddiisu qaali noqon doonto. Guddoomiyaha dhalinyarada dalka Nepal oo ka soo qaybgalay xafladda shirweynahan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ka soo qaybgalo shirweynaha dhalinyarada Somaliland isaga oo soo dhaweeyey hormarka ay gaadheen dhaliyarada Somaliland waxaanu ku hambalyeeyey inay qabsadeen shirweyne qiimo badan oo ay danahooda kaga hadlayaan isaga oo aad u ammaanay doorka ay SONYO gaadhay iyo hammigeeda ku aaddam horumarinta Somaliland. Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isaguna xafladaa ka hadlay ayaa waxa uu si weyn u faahfaahiyey 10 qodob oo uu ka soo qaatay waxqabadka ballaadhan ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Wasiirka Maaliyadda Somaliland Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale oo isaguna shirweynaha ka hadlay ayaa xusay sida xukuumadda uu ka mid yahay qiimaynta weyn u siinayso dhallinyarada Somaliland oo ay barbar taagan tahay isna ka wasiir ahaan uu yahay Masuulkii SONYO sida weyn ugala shaqeeyey dhismaha xarunta cusub ee darraad xadhiga laga jaray. Wasiir Samaale waxa uu sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay in ay xukuumaddooda ku garab joogsadaan waxqabadka iyo horumarka ay dalka gaadhsiisay mudadii koobnayd ee ay talada haysay isaga oo sheegay in dhallinyaradu yihiin udub dhexaadkii qaranka Somaliland xukuumadiisuuna dadaal dheeri ah siinayso sidii ay u laban laabi lahayd wax ka qabashada baahiyaha dhallinyarada gaar ahaan iyo guud ahaan baahiyaha qarankeena.
Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo waliba Wasiir ku Xigeenka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Somaliland ayaa dhammaantood iska daba maray muhiimadda shirweynahan iyo sidii xukuumadda ay ka mid yihiin uga hawl gashay horumarinta dhallinyarada iyaga oo xusay in ay ku hawlan yihiin sidii dhallinyarada dalkeenu u noqon lahayd kuwa gadhwadeenka ka noqda himilada qarankani higsanayo iyaga oo aad uga waaniyey dhallinyarada dhibaatada qabyaaladda oo ay ku tilmaameen aafo dalkeena halis galinaysa.
 
Ugu dambeybtiina waxaa shirkaasi qaybtii hore ee shalay soo gunaanaday Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo aad ugu dheeraaday muhiimadda shirkan iyo sida xukuumaddiisu ugu heellan tahay wax ka qabashada baahiyaha haysta dhallinyarada Somaliland.
“Xukuumaddu waxay ku dadaalaysaa sidii aad ku gaadhi lahaydeen heerka aad maanta maraysaan midka sii sareeya, waxaan ku dadaali doonaa in aan baahiyaha dhabta ah ee dhallinyarada sida gaarka ah u haysta aan wax ka qabanayno sida aanu imikaba uga qabano aan sii laban laabi doono. Xukuumaddani waa tii ugu horraysay ee wax qabad intaa le’eg qaranka ka hirgelisa dadaalkaasi ayay dhallinyaraduna wax ku leeyihiin oo dhinacooda horumar ka gaadhsiin doono maadaama qaranbku isku wada xidhan yahay” ayuu yidhi Madaxweyen ku xigeenka Somaliland Md. Saylici.
Shir-weynahan dhalinyarada Somaliland oo ah kii ugu horeeyey ee noociisa oo kale ee dalka ka dhaca waxaa soo qaban-qaabiyey Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha waxaanu shirkaasi socon doonaa laba maalmood isaga oo shalay gelinkii dambe si rasmi  ah loo guda galay doodaha iyo Arrimaha uu xambaarsan yahay isaga oo maantana labada gelinba socon doona.
By: Faysal Af-gaab
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply