Gabadh U Dhalatay Dalka Chine Oo Uu Ku Dhacay Xanuun Aan Hore Loo Arag ,Kaas Oo Ka Dhigay Islaan

0
400

Gabadh da’deedu tahay 28 sanno ayaa noqotay mid aragti ahaan u muuqata qof weyn, gaar ahaana islaan  kadib markii uu ku dhacay xanuun aan hore loo arag dalkaasi Shiinaha, kaas oo jidhkeeda ka dhigay mid gabow ka muuqdo, iyada oo marka aad aragto aad moodayso islaan 70 sanno jir ah.
Gabadhan ayaa ah hooyo dhashay laba caruur ah, waxaana ku dhacay xanuunkan oo caalamka ku cusub, sidoo kalena aan inta badan la arkin, waana mid lagu magcaabo B’tahedl skin, kaas oo khal khal ku rida unugyadda jidhka, waxaanu qofka ka dhigaa mid uu diirkiisu si deg dega u koro ,isaga oo u ekaada da’ ama qof weyn .
Waana xaalad dhif iyo naadir ku ah wadanka Chine ,waxaana la yidhaahdaa 10 qof waxa uu ku dhacaa hal kamid ah oo weli looga helo dhawrkii sannoba mar mar ,waxaana lagu arkay gabadhan iyada oo 11 sanno jir ah calaamado kala duwan ,kuwaas oo ay kow ka ahayd nabaro qoorta ,wejiga kaga dhacay,kuwaas oo aan gaadhin jidhka intiisa kale.
Sidaasna waxa lagu sheegay warbixin lagu qoray wargeyska lagu magcaabo Daily Mail,iyada oo aan in muddo ah guriga ka bixin markii uu gaadhey heerka gabowga ah ee uu iminka maraayo,iyada oo aanay jirin dawo wax lagaga qabtaa.
 
 

Leave a Reply