Sariir Iskeed Isu Kala Bixinaysa Isuna Laabaysa Oo Lagu Sameeyey Dalka Spain

0
358

Waxad dhowaan lasoo bandhigay sariir cusub oo aan nooceeda hore loo samayn,taas oo kaga duwan kuwii hore waxyaalo badan,gaar ahaana iyada oo si Automatic ah isu kala bixinaysa isuna laabaysa,taas oo la sheegay in loogu talo galay dadka caajiska ah ee inta badan aan awoodin inay gogshooda laalaabtaan subixii iyo waqtiyada ay ka kacaan.
Waxa kale oo sariirtan loogu talo galay inay ku seexdaan dadka sida deg dega ah shaqooyinka u aada ama uga soo rawaxa oo iyagana ay u sahli doonto inay aanay waqti ku qaadan  kala bixiinteeda iyo laabideedu ama hagaajinteeduba,waana mid si Automatic ah isu laabi doonta marka laga kaco ,sidoo kalena is goglaysa marka lagu soo noqdo ama loo baahdo in lagu seexdo.
Sariirtan waxa samaysay shirkad laga lee yahay dalkaasi Spain ,taas oo lagu magcaabo Ohana,iyada oo marka lagaa iibiyo lagu racin doono habab aad ku baranayso siday u dhaqmayso,gaar ahaana cenjeled fidyow ah oo laga daawan doono hababka kala duwan ee ay u shaqaynayso sariirtaasi.
Shirkadan ayaa sheegtay inay doonayaan inay sariirtan u sameeyaan habab kala duwan,gaar ahaana ilaa 50 qaab oo kala duwan ayay sheegeen inay u samayn doonaan sariirtan,taasina ay ka dhigi doonto mustaqbalka sariirtan mid ,sida lagu qoray wargeysa Daily Mail oo dalkaasi Ingiriiska kasoo baxa.
Sariirtan ayay masuuliyiinta shirada samaysay ku tilmaameen inay tahay mid amaan ahaan u fiican dadka,iyada oo sidoo kalena la wado siday sheegeen sariiro kale oo caruurta loogu talo galay inay ku seexdaan.
Waxaanay sariirtani noqotay mid dadka reer Spain soo jiidatey,kuwaas  suuqa  kala iibsiga markiiba soo galay .
 

Leave a Reply