Khasaare Ka Dhashay Dagaal Laba Beelood Ku Dhexmaray Koonfurta Sanaag

0
465

Ceerigaabo (Dawan): Hal qof ayaa la sheegay in uu ku dhintay shan qof kaleย  in ay ku dhaawacmeen dagaal shalay subaxnimadii dhex maray laba beeloodย  deegaanka Dhaadeedda oo ka tirsanย  gobolka Sanaag, sida uu noo xaqiijiyayย  badhasaabka gobolkaasi Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo xalay telefoonka ugu waramay Dawan isagoo ku sugan magaaladda Hargeysa.
Dagaalkan oo u dhexeeya laba beelood oo deegaankaasi wada dega ayaa la sheegay in uu ka dhashayย  muran dhinaca dhul daaqsimeedka ah, Meesha uu dagaalku ka dhacay oo qiyaastii 150KM oo dhinacaย  koonfureed ah kaga beegan magaalada Ceerigaabo una dhaxaysa Fiqi fuliye iyo meesha la yidhaahdo Goof.
Badhasaabku waxa uu sheegay in Shanta qof ee dagaalkaasi ku dhaawacmayย  in qaarkoodย  uu dhaawacoodu halis yahay, isagoo xusay inย  deminta shaqaaqadaasi ay kaย  hawlgaleen xukuumadda iyo maamulka gobolka Sanaag, isla markaana ay ku baxeen deegaanka ay wax ka dhaceen, ciidamo isugu jira boolis iyoย  miltari iyadoo dhinaca kalena ay joojintaasi arrintaasi ka qayb qadanayaan madax dhaqameed kala duwan oo ka kooban salaadiin, cuqaal, odayaal iyo waxgarad.
Ramaax isagoo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi โ€œCeshiimo dhul ayay shaqaaqaduย  ka bilaabantay,ย  ilaa hadda khasaaraha ka dhashay waxaan ogahay hal qof ayaa dhintay, dhaawacna ilaa shan qof ayaa la ii sheegay qaarkood waa halis dhaawacoodu.Ciidamadiina waanu wada hadalnay oo way ku baxeen, ciidanka qaranka iyo boolis labadaba iyo odayaal, anaga laftaydu diyaar garow ayaanu ku jirnaa waanan baxaynaa dhawaan, waxaanan rejaynaynaa in Illaahay hawshaasi nagu asturo oo aanay intaasi sii dhaafin.โ€
Sidoo kale Maxamuud Cali Saleebaan, ooย  aanu waydiinay waxa uu ka dhashayย  ama sababay dagaalka dhex maray labaddaba beelood waxa uu yidhi โ€œWuxu ka dhashay dagaalku waa ceshiimo dhul daaqsimeed, meeshani ceshiimahaย  labada walaalaha ah ayaa isku dila, wax ceshiimoย  la yidhaahdoย  oo aan gobolada kale ka jirin ayaa Sanaag ka jirta, halkan imika ay wax ka dhaceena waa meel mamnuucย  ay ka tahay in ay cidiba ceshiimo ka samaysato. ilaa 150 KM ayay u jirtaa Ceerigaabo meeshanย  ay imika rabshadu ka dhacday waxaanay u dhaxaysaa Fiqi fuliyo iyo meesha la yidhaahdo la yidhaahdo Goof, waa Sool geri meeshii la odhan jiray, horena waanu uga dignay in aan cidi waxba ka samaysan karin, hase yeesheeย  dadkii ayuunbaa marka ay indhaha dawlada iska eegaanย  ayay dhul daaqsimeedkii la wada lahaa ceshiimo ka dhiganayaanโ€.
Badhasaabku, waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegayay in muddooyinkanba ay labadaasi beelood ee dagaalamay isku ciidan urur samayeen. Isaga oo meesha ka saaray in wax dhaqdhaqaaq dagaal u muuqdaa uu hore uga jiray deegaankaasi. โ€œWaxba kama jiraan taasi ooย  aniga laftaydu hada waxa aan ka sokeeyay gobolka waa laba cisho, wax allaale wax dhaqdhaqaaq ahi kama jirin. Saaka (shalay subax) ayaanay bilaabantay oo beelo isku soo guurray weeyi, dabadeedna tacshiirad ayaaย  bilaabantay laakiin ma jirin waxย  dhaqaaq ah ama abaabul dagaal ah oo ka jiray muddooyinkan deegaankaasiโ€.
Gobolka Sanaagย  ayaaย  ka mid ah goboladda ayย  inta badan ka dhacaan dagaalo soo noqda oo dhex mara dadka reer guuraaga ah ee wada dega, dagaaladaasi oo khasaare badan oo isugu jiraย ย  dhimasho iyo dhaawacbaย ย ย  keena, badhasaabka ooย  aanu waydiinay waxa uga qorshaysan wax ka qabashada arrintaasi, waxa uuย  kuย  jawaabay โ€œArrimo badan oo aanu anagu islahayn way hirgaleen oo waanu ka qabanay oo ah horta ceshiimadda dhulka in aanu joojino wax cusub in aan la samaynin oo kale, waanu ku dhaqaaqnay. Hase yeeshee tani waxay u baahan tahay siyaasad kale oo gebigoodabaย  lagaga saaro ceshiimo wax la yidhaahdo, waayo ceshiimo dhul meel wax lagaย  beerana ma aha, waxย  faaโ€™iido ah oo ay leedahayna lama yaqaano. mida kaleย  ummadda lafteedii ayaa aragtay dhibaatooyinkeedda, oo mika runtii aad iyo aad uga soo taagan, waxaanay tahay in taasi laga yeesho siyaasad qaran ooย  laga hawlgaloโ€.
 
Dhinaca kaleย  Ramaax,ย  ayaa ka dayriyay dhibaatadda lagu hayo dhul daaqsimeedkii dadka ka dhexeeyay, waxaanu sheegay inย  nin kastaaba uu seero ka dhigtay dhul aad u balaadhan. โ€œBerigii hore waxaa jirtay Ceerigaabo buurta Surad la yidhaahdo ayaa ku taalla, inta Surrad ka soo jeeda ee Ceerigaaboย  u dhaw ayay dawladii Ingiriisku u ogolaatay in seero laga dhigo si xooluhu ugu soo fadhiistaan oo ay magaaladu caano uga hesho, ka dibna tii ayuunbaa la sii balaadhiyay oo imika maraysa xagan soke Ceel Af-weyn, xagga kalena ilamaa iyo meel fog. Had iyo jeer Badhan oo kale xeryaha Adhiga waxa loo isticmaalaa Dhagaxaan, dabadeedna qofkii hantaย  ma guurto ah oo kale ayuu ka dhiganayaa meeshiiย  oo aanay cidiba ka daba degi karin, hase yeeshee xilligii abaaruhu ay jireen si fiican ayay yeeleen oo way u wda fasaxeen xoolaha waana la iska wada daaqayay. Meesha ay imika shaqaaqadu ka dhacday na maba ah meel laga ogol yahay ceshiimo, waa dhul daaqsimeed aanay cidi kala lahayn. Kolayย  dhakhso ayaanu uga hawlgelaynaa, waana waxyaabaha qorshaha noogu jira in aanu ka mamnuucno meelaha xoolo daaqeenka ah oo dhan ceshiimooyinka caynkaasi ahโ€ayuu yidhi badhasaabka Sanaag.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here