Maxay Dadka Reer Japan Uga Cimri Dheer Yihiin Dadka Kale Ee Adduunka?

0
461

Dadka reer Japan ayaa ah kuwo ka cimri dheer dadka kale ee caalamka,iyada oo raga reer Japan ay noolaadaan ilaa 80 sanno ,halka dumarkooduna ay noolaadaan ilaa 87 sanno ,waxaanay ragga dheer yihiin 7 sanno.
Dadka reer Japan ayaa noqday wadanka ugu dadka hooseeya wixii ka dambeeyey dagaalkii labaad ee adduunka oo ay kala kulmeen dagaalo culus oo uu la galay wadanka Maraykanku,waxaanay waqtigaasi wixii ka dambeeyey noqdeen kuwo shaqo adag galay,iyaga oo noqday kuwo caalamka meel sare ka gaadhey,laakin maaha sababta keentay in cimrigoodu dheeraadaa mid taas la xidhiidha ,gaar ahaan hoos u dhacaasi ee waxa jira waxyaalo kale.
Dadka reer japan ,waxay dhakhaatiirta booqdaan 12 jeer sannadkii,iyaga oo doonaaya inay la socdaan xaaladooda caafimaad,waana mid la yidhaahdo waxay kaga duwan yihiin dadka kale ee caalamka.
Laakin su’aasha ah maxay dadka reer Japan u noqdeen kuwo ka cimri dheer dadka kale maaha taas jawaabteedu,waxaanay noqonaysaa ,ta kowaad,dadka reer Japan waxay ku dedaalaan waxyaalaha ay cunayaan inay caafimaad ahaan noqdaan kuwo dheeli tiran,iyaga oo ka caafimaad badan waxyaalaha ay cunaan dadka reer Maraykan,waxaanay hilibka ku bedeshaan Kaluunka,Saliidana Caano, waxa kale oo ay aad u cunaan Bariiska,Shaaha,Fuulka,dhirta badda iyo khudaarta kale ee kala duwan.
Mana aha cuntada oo keliyaata,waayo waxa jira waxyaalo haddii cuntada lagu kariyo dalkaasi laga qaado Kansarka Caloosha,waxa jira inay iska ilaaliyaan Stress-ka oo aan loo ogolayn dadka waaweyn, iyada oo loo diro shaqooyin,sidoo kalena ay iyaga laftoodu qabtaan iyaga oo is xil qaamaaya, gaar ahaana shaqooyinka guriga agagaarkiisa laga qabanaayo.
Dadka waaweyn ee reer Japan ayaan wax dulsar ah bixin caafimaadkooda marka la daryeelaayo lacag ahaan ,iyada oo ay aad ugu mahad naqaan caruurtooda ,waxaanay noqdeen dadka ugu tayada wanaagsan caalama caafimaad ahaan iyo shaqo ahaanba.
 

Leave a Reply