Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Bulshada Kula Caweeyay Goobo ku Yaalla Hargeysa

0
349

Hargeysa(DAWAN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay fiidkii isagoo aan wax ilaalo ah wadan tagay Huteelka Summer-time ee caasimadda Hargeysa, halkaasi oo dadweynihii ku cawaynayay ay si weyn ugu soo dhaweeyeen.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inay la socotay marwada koowaad Marwo Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo caruur uu awoow u yahay.
Waxa warku intaas ku daray in madaxweynuhu uu ka casheeyay oo uu muddo fadhiyay huteelkaasi, iyadoo dadkii  halkaasi kula kulmayna ay si niyadsami ah ugu soo dhaweeyeen kuna bogaadiyeen in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu madaxdii kale ee qaranka dheeraaday inuu habeenkii lagu arko goobaha bulshadu iskugu timaado, si uu uga war helo xaaladda dadka iyo mustawaha nabad-gelyo ee dalku gaadh siisan yahay.
Sidoo kale waxa la sheegay in madaxweynaha Somaliland uu markii uu ka baxay Huteelkaasi uu booqday garoon kubadeed oo habeen iyo maalin dhalinyaradu ku ciyaarto oo doog lagu beeray oo la yidhaahdo Turkish Stadium, waxa  warku intaas ku daray in garoonkaasna aad loogu soo dhaweeyay, ka dibna uu dib ugu soo noqday xarunta Madaxtooyadda.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo muddo afar sanno iyo dheeraad xilka madaxtinimo ee wadanka hayay, ayaa dhawr jeer oo kala duwan lagu arkay isagoo si caadi ah uga dhex dukaamaysanaya meheradaha iyo shaaricyada magaaladda Hargeysa habeenkii.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply