“Xisbiga Waddani Waxaan Leeyahay Qabyaalad Kursi Lagu Heli Maayo”

0
351

Hargeysa, (Dawan)- Xildhibaan Cali Maxamed Aadan (Cali-barre) oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland ayaa si adag u naqdiyay hadallada cayda iyo aflagaadada xambaarsan ee ay caadaysteen masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Xildhibaan Cali Barre oo shalay u waramay wargeyska Dawan  waxa uu sheegay inaanu xisbiga Waddani kursiga madaxtinimo ku gaadhi karin qabyaalad, isagoo tilmaamay inaanay dawladnimada iyo qabyaaladu meel  wada galin.
Xildhibaan Cali Maxamed Aaden oo arrimahaasi  ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay qabyaalad iyo dawladnimo meel ma wada gasho  ama dawlad ayaynu ahaanaynaa ama qabiil ayaynu u kala baxaynaa oo nin weliba qabiilkiisii ayuu noqonayaa, qabiilna kursi laguma helo. Xisbiga Waddani waxaan odhan lahaa qabyaalad kursi lagu heli mayo. Ninka kursiga doonayaa Somaliland oo dhan ayuu ka rabaa inay u codeeyaan, ninkii qabiil isku kooba isagaa cirka roob ku og.”
Xildhibaan Cali Barre waxa uu sidoo kale saadaaliyay in xisbiga Kulmiye  ku guulaysan doono doorashada madaxtooyada ee soo socota, maadaama uu waxqabad la taaban karo uu dalka ka fuliyay, “Dhaleecaynta mucaaradka waxba ku heli maayaan, ummaddu indhaheeda way qabtaa, waxqabad aan qarsoonayn ayay qabteen xisbiga Kulmiye iyo xukuumaddiisu, qodobka labaad ee xisbiga Kulmiye ku guulaysanayo doorashada soo socota  waxa uu yahay xisbiga Kulmiye ee qabyaalad kuma shaqeeyo iyo xukuumaddiisu qaab qabyaaladeedna waxba ku dooni mayno. Somaliland-nimo ayaanu codka kaga doonaynaa ummadda oo waxna loogu qabanayaa, waxaanan qabaa inaan Kulmiye  marna laga guulaysanayn, waayo labo dariiq oo sax ah ayaanu wadnaa, waa ummadda inaanu wax u qabano iyo in aanaan qabyaalad ku shaqayn ee aanu qaranimo ku shaqeyno.”
Xildhibaan Cali Maxamed Aadan  (Cali-barre) waxa uu  u soo jeediyay xildhibaannada xisbiga Waddani inay ka waantoobaan hadallada cayda iyo aflagaadada ah ee ay caadaysteen, waxaanu yidhi, “Xildhibaannada Waddani waxay cadaysteen aflagaado hadal xun, annagu haddaanu nahay Kulmiye iyo xukuumaddiisa nahay cidna aflagaadayn mayno ma caytamayno, ma habaartamayno, ummadda madax ayaanu u wada nahay, shacabku wuu noo siman yahay, waxaanan odhan  lahaa xisbiga Waddani gaar ahaan nimanka xildhibaannada ah dastuurku ma ogola cay iyo aflagaado, waa waxa xildhibaanka xisaanadda ka qaadi kara, qodobka 49 waxa uu  cadeynayaa in aan xildhibaanka la xidhi karin, waxba loo gaysan karin, la baadhi Karin, laakiin  intaa waxa ka reeban in aan wixii cay ah iyo aflagaado mamnuucayay ka tahay xildhibaanka.”
“Maalin walba  niman xildhibaanno ayay cay ka soo yeedhaysaa iyo habaar, waxaan u soo jeedin lahaa inay ka waantoobaan arrintaas, ceeb ayay ku tahay xisbiyada aad ka tirsan tihiina waxba u soo kordhin mayso.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Xildhibaan  Cali Barre waxa kale oo uu sheegay in Komishanka cusubi uu umadax-banaan yihiin inay iska dhex doortaan hogaankooda, waxaanu tilmaamay in aan waxba ka khusayn xisbiyada mucaaradka cidda ay doortaan Komishanku, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Xisbiyada mucaaradku waxay garan la’ yihiin waxa shaqadooda ah iyo waxa aan shaqadooda ahayn, sida ay isku dooranayaan komishanka doorashooyinku  ciddina ka xukunto, walaa mucaarad iyo muxaafadba, Komishanku wuu madax-banaan yahay  inay is-doortaana sharciyan iyagaa u madax-banaan, markaa shaqo u taala maaha mucaaradka.”
By: Khadar  M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply