Shirgudoonka Wakiiladda Oo ka War-bixiyay Xuskii Qowmiyadaha Itoobiya oo ay ka Qeyb-galeen

0
388

Hargeysa(DAWAN):-Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Ku xigeenkiisa Koowaad ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay socdaal qaatay dhawr maalmood ugu maqnaayeen dalka itoobiya oo ay kaga qeyb galeen dabaal-degii maalinta qowmiyadaha Itoobiya oo si rasmi ah loogu marti qaaday shirgudoonka Wakiilladda.Labada masuul waxa si diiran loogu soo dhaweeyay madaarka caasimadda Hargeysa.
Guddoomiyaha Aqalka Golaha Wakiiladda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo halkaasi ka hadlay ayaa ugu horeyn waxa uga mahad celiyey dawlada Itoobiya sidii ay ugu soo dhaweysay dalkaasi, waxaana uu sheegay in intii ay halkaasi ku sugnaayeen ay kulamo la yeesheen madaxda kala duwan ee dalka Itoobiya, iyo dublamaasiyiinta wadamada kale u jooga dalka Itoobiya.
 
“Safar Shaqo oo ah marti qaad rasmi ah oo aanu ka helnay Baarlamaanka Itoobiya,oo ah xaflad sanad walba la qabto oo ah maalinta qoomiyadaha ee dalka Itoobiya, munaasibadaas oo ah maalin aad loo weyneeyo oo dhamaanba madaxda qaranka dawlada Itoobiya ay ka soo qayb galaan iyo Kililaduba,waxaa kale oo lagu marti qaadaa wadamada ay jaarka yihiin.Sanadkana waxaa lagu qabtay gobal fog oo xuduudka Itoobiya iyo Suudaan u dhaxeeya oo ahna meesha laga dhisayo dhaamka weyn ee biyo xidheenka dalka Itoobiya ay hada wado,”ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in mudadii ay joogeen Itoobiya ay kulamo kala duwan la yeesheen masuuliyiin  iyo dublamaasiyiin kala gedisan, waxaanu yidhi “Waxaa kale oo ka soo qayb galay madax badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Jabuuti iyo Madaxweynaha Suudaan,  Raysal wasaarayaal fara badan iyo masuuliyiin kale oo aad u badan, sida oo kale inta badan safaradaha jooga magaalada Addis ababa dhammaantood waa ay ka soo qayb galeen. Xafladaas iyo xaflado kale oo ka sii horeeyeyba oo dhaambka laftiisa lagu qabtay annagu waxaanu ka qayb galnay xafladii weynayd oo raysal wasaarahuna uu joogay,raysal wasaarahana salaan sharaf ayaanu isku salaanay halkii goobtii iyo madaxdii kale ee halkaas joogtay, masuuliyiin aanu shirar gaar gaar ah la galnayna dee waa ay jirtay intii ay xafladaasi socotay iyo intii aanu Itoobiya joognay ama dublamaasiyiin ha noqdaan ama masuuliyiin kaleba ha noqdaane oo dalka Itoobiya iyo dalalka kaleba ah.”
 
“Intii aanu munaasibada joognayna waxaa na soo dhaweeyey wasaarada arrimaha dibada iyo baarlamaankaba runtii waanu u mahad naqaynaa,soo dhaweyn wanaagsan oo mudan oo heer dawladeedna ah ayaa nalagu soo dhaweeyey, taasina waxaa ay muujinaysaa uun in cilaaqaadka dawlada Itoobiya iyo Labada Baarlamaanba u sii koraayo, waxaan aad ugu faraxsanahay in aanu wadankayagii aanu ku soo noqono,”Ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee  aqalka Golaha wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax oo isna dhankiisa halkaasi hadal kooban ka jeediyey ayaa waxaa uu yidhi “Munaasibadaas ayaanu ka qayb galnay, aad iyo aadna waxaanu ugu mahad celinaynaa dawladii Itoobiya oo si fiican noo soo dhaweysay gaar ahaan Golaha baarlamaanka oo si heer sare ah noo soo dhaweeyey naguna sharfay in aanu xafladaas ka qayb galno anaga oo sanad walba ka qayb galna,tii dhaweydna kaga qayb galnay Jig-jiga,sanad walba oo ay na soo casuumaana ka aqbalna, aad iyo aad waxaanu ugu faraxsanahay in aanu dalkayagii aanu ku soo noqono.”
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply