Dooni ku Qaraqantay Harada Tanganyika oo Dad Badan Galaafatay

0
383

Ugu yaraan  129 mayd ayaa laga soo saaray harada  Tanganyika  ee Jamhuuriyada  Koonga Kinshasa, kadib markii ay dooni ay saaraayeen kula qaraqantay Jimcihii haradaasi.
. Sida uu sheegay wasiirka gaadiidka gudaha  Laurent Sumba Kahozi  baadhitaanka ayaa weli socda.
Shaqaalaha gurmadka ayaa Axadii shalay ka helay biyaha dad ku dheggan jirikaano iyo waxyaabo kale oo la  sabbaynayay.
Warfidiyeenada ayaa sheegaya in ay had iyo jeer shilalka noocan ahi ka dhacaan gobolka maadaama ay badanaa doonyaha la raaco la buux dhaafiyo.
Sida la sheegayo tirada kuwa badbaaday  ayaa gaadhaysa 232, oo badankoodu yihiin rag.
Haseyeeshee inta dhimatay ayaa u badnaa dumar iyo carruur.

Leave a Reply