Hogaamiyaha Suudaan iyo Maxkamadda ICC oo Hakisay Baadhitaanadii

0
357

Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa sheegay inuu ka guulaystay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, kaddib markii ay hakisay baadhitaano ay ka wadday dambiyo dagaal oo laga gaystay gobolka Daarfuur.
ICCda ayaa 2009-kii ku eedaysay Cumar Xasan Al-Bashiir inuu 2003-dii ka gaystay dambiyo gobolkaasi, hasayeeshee waxa uu diiday inuu aqoonsado jiritaanka maxkamadda.
Madaxweyne Al-Bashiir, ayaa sheegay in ICC-du ay ku guuldaraysatay iskudaygii ay ku doonayeen inay ku bah-dilaan Suudaan.
Al-Bashiir ayaa sheegay in dadka Suudaan ay u midoobeen maxkamadaha gumeysiga.
 
Dhinaca kale, Dacwad oogaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Fatou Bensouda, ayaa Jimcihii hakinta baadhitaanka waxa ay ku eedaysay Qaramada Midoobay oo aanan qaadin wax tallaaba ah.
Bensouda, ayaa sheegtay in loo baahan yahay in “isbadel weyn lagu sameeyo” habka uu arrintan u wajahayo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxayna intaa ku dartay in dib u dhaca uu kalsooni galiyay dadka galay dambiyada inay sii wadaan falal dambiyeedka – gaar ahaan kuwa ay u gaystaan haweenka.
Darfur ayaa waxaa ka taagnaa qalalaase tan iyo sanadii 2003-dii markaas oo ay fallaagadu hubka qaateen.
 
Ciidammada Qaramada Midoobay iyo kuwa Midowga Afrika ee ku sugan Daarfuur, Suudaan
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 300,000 oo qof ay naftooda halkaasi ku waayeen, dadkaasi ayaa intooda badan u dhintay cuduro.
Bishii la soo dhaafay, Suudaan ayaa waydiisatay Ciidammada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee (UNAMID) in ay xidhaan xafiiskooda xuquuqul insaanka ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Khartuum.
Tallaabadan ayaa timid xilli xiisado ay ka taagan yihiin iskuday uu howgalku ku doonayay inuu ku baadho eedaymo sheegaya in ciidammada Suudaan ay kufsi wadareed ka gaysteen tuulada Taabit ee gobolka Daarfuur.
Suudaan ayaa sheegtay in baadhitaan u gaar ah oo ay sameysay aanay ku helin wax caddeyn ah oo qeexaya in cid la kufsaday.

Leave a Reply