Faa’iidada Waysada iyo Salaadda

0
883

Baadhitaano badan oo khubarada caafimaadku sameeyeen ayaa lagu ogaaday faa’iidada ku jirta waysada salaada, iyagoo sheegay inay u fiican tahay caafimaadka jidhka wareega dhiiga.
Cilmi baadhistan oo laga sameeyay laba boqol oo qof muslimiin ah oo maalin kasta waysaysta, oo kala degan dalalka Maraykanka, Kanada iyo Sucuudi Arabia ayaa cadaysay in waysadu wareega dhiiga qayb wayn ka qaadato.
Nabigeeni Maxamed (scw) faa’iidada ay waysadu leedahay gaar ahaan, gaar ahaan xiliyada qabowgu jiro, taas oo danbi dhaaf lagu kasbado. Dhakhaatiirta ayaa wakhtigan ogaaday in caafimaadka jidhka ay wax wayn ka tarto.
Rasuulka Allah (scw) ayaa yidhi “ Qofka waysaysta ee hagaajiya, Denbiyadiisa ayaa ka baxa jidhkiisa” Muslim.   Waxa kale oo daraasaddu cadaysay in weysadu ay dawo ka tahay xanuunada Maqaarka.
 

Leave a Reply