Suxufi Sheegay Inuu Jinka Sawir Ka Qaaday

0
565

Sanado badan ayaa qoyska Retchford ay ku jireen murugo iyo werwer, iyagoo degan gurigooda oo la dhisay wakhti hore. Qoyskan oo laga qoray buuga la magac baxay Retchford House oo la sheegay inay ahayd qiso dhab ah, ayaa dhamaantood noqday kuwo ku danbeeyay xanuunada waalida ka dibna dhintay iyagoo aanay jirin wax sabab cudur ah oo ku dhacay, kana cabanayeen.
 
Qoyska Qaarkood ayaa laga helay furaashkii ay ku seexanayeen iyagoo mayd ah oo afka kal qaaday, wejigoodana ay ka muuqato astaamo tilmaamaya inuu qofkan u dhintay argagax uu arkay ka hor dhimashadiisa.  Qayb kale oo qoyska ka mid ahina waxay isticmaaleen si ay u dhintaan, iyagoo qaar kalena iska soo tuuray daaqadaha gurigooda.  Waxaana dadka yaab ku noqotay  iyagoo qoyskan masiibadani la soo deristay markii ay degeen gurigan. Waxay dhimanayeen iyagoon ka cabanayn haba yaraatee wax xanuun ah. Qofkii ugu danbeeyay ee qoyska ka mid ahaa ayaa dhintay sanadkii 1930-kii.
Gurigaasi ayaa isu rogay mid cidla ah oo laga baqo.  Gurigan ayaa markii danbe lagu dhawaaqay in la iibinayo oo loo soo bandhigay bulshada. Laakiin dadka ayaa diidanaa xataa iyadoo qiimhiisa hoos loo dhigay wax badan.
 
Waxase guriga iibsaday   Sir.Jhoson oo ahaa banker aqoon sare u leh cilmiga Baanka, kaasi oo ahaa caqlaani aan aaminsanyn dunida jinka iyo waxa qarsoon. Ninkan ayaa sheekooyinkan dhamaantood aaminsanaa  inay been iyo khuraafaad yihiin  kaasi oo ka faa’idaystay fursad maalgelin ah oo laga siiyay baanka iyo qiimaha guriga oo aad u jabnaa.
 

Jhonson ayaa markii uu iibsaday dayac tiray guriga, ka dibna waxa usoo dejiyay qoyskiisa.  Laakiin xaalku sidii uu moodayay muu noqon markiiba isbedel ayay qoyskiisu dareemeen. Waxa ay arkeen albaabadii guriga oo markii ay doonaan furmaya ama xidhmaya iyadoon qofna u dhawayn, waxa kale oo ay arkeen weelkooda oo iskood u jabiya iyadoon qofna taaban una dhawaan, wakhtiyada qaarkoodna waxay maqlayeen dhawaaq iyo qaylo guriga dhexdiisa ah..    La soco.
 

Leave a Reply