Ka Ganacsiga Caanaha Geela Oo Casri Ah

0
486

Waxa si aad ah magaalada Hargaysa laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ganacsi oo aad moodo inuu hadda ku socdo si xawaare ah kaas oo aad ku arkay suuqyada magaalada Hargaysa kaas oo ah Caanaha geela oo si acsri ah loo habeeyay kaas oo lagu iibinaayo meherado aan hore loogu iibin jirin caanaha halka markii hore looga bartay in laga helo goobo u gaar ah oo ay nadaafadoodu aad u hoosayso waxaana aad hadda arkaysaa caanihii oo lagu iibinaayo meelo kuwaas ka duwan oo ay ka mid yihiin Maktabadaha lagu iibiyo agabyada diiniga iyagoo lagu iibinaayo oo lagu shubay agab ka ilaaliya inay is bedelaan dhan dhankoodu oo ay dhanaanaan.
Haddaba waxa arinkan aad usoo dhaweeyay dadka iyagu isticmaala, Aw Aadan oo ka mid ah dadka ka ganacsada caanahan habka casriga ah ayaa noo sheegay inay tahay talaabo hore loogu horumarinaayo ka faaiidaysiga khayraadka xoolaha, waxa uu hadda caanahani iiga yimaadaan geel ay leeyihiin dad reer Somaliland ah kuwaas oo subaxii gaadhi kasoo qaado xerada geela lagu liso kadibna aniga ayy isoo gaadhaa kadibna waxa aan ku shubaa talaagadan yar oo iyada loogu talo galay inay ka ilaaliso caanuhu inay is bedelaan taas oo markii hore dhib ku hayn jirtay dadka ka ganacsada caanaha oo ilaa galinka danbe waxa ay dadku naga helaan caano dhay ah oo aan is bedelin dhan dhankoodu oo nadiif ah.
Sidoo kaleeto mid ka mid ah dadka macaamiisha u ah ayaa noo sheegay inay caanahani kaga duwan yihiin kuwii markii hore suuqyada lagu iibin jiray iyagoo nadiif ah oo aad ka helaysid goob nadiif ah oo si aad ah looga shaqeeyay.
Talaabadan ayaa ka mid ah talaabooyin isdaba jog ah kuwaas oo ganacsigeenu maalinba maalinta ka danbaysa uu ku talaabsanaayo, iyadoo dadkeenu hadda yihiin kuwo si aad ah ugu dhiiranaaya abuuritaanka fikrado cusub oo ku saabsan ganacsiga, waana talaabo mudan ku dayasho tan iyo horumarada kale ee ay ku talaabsadeen ganacsatada kaleeto.

Leave a Reply