Shirkadda Hass Petroleum Oo Daah-Furtay Qayb Kamid Ah Wax Soo Saarkeeda

0
396

Hargeysa (Dawan)- Xaflad balaadhan oo lagu daahfurayey wax soo saarka  Shirkadda Hass Petroleum gaar ahaan saliida iyo xaydhaha mishiinka gawaadhida loo isticmaalo qaybaheeda kala-duwan [Lubricants] ayaa lagu qabtay Hotelka Maansoor ee magaalada Hargeysa.
Munaasibadda xafladdan oo ahayd mid si qurxbadan loo soo abaabulay waxaa ka soo qaybagalay Gudoomiyaha xafiiska Somaliland ee Shirkadda Hass Petroleum Mudane Cabdirisaaq Ibraahin Maxamed, Madaxa HR-ka Marwo Idil Ibrahin Aadan [Doolaal]-wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasin,wasiir ku xigeenmka hawaha guud Cali Cabdi Saa’iq, madaxa Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri, Mr James oo ka socday xafiiska Hass ee dalka Kenya iyo madaxda shirkadaha [kaalmaha shidaalka] iyo dadweyne kale oo farabadan oo ay kamid ahaayeen masuuliyiin hore oo xilal kala-duwan uga  soo qabtay xukuumadda hadda joogta iyo tii ka horeysayba.
Xafladda ay Shirkadda Hass Petroleum ku daah-furtay  agabkan waxa uu qayb-kayahay Ganacsigii ay hore dalka u wadday ee keenista shidaalka tan iyo markii ay sanadkan soo dhamanaayay bilawgiisii kala wareegtay keenista shidaalka Somaliland shirkadii hore ee Total oo mudo badan ku soo jirtay inay dalka keento shidaalka.
Furitaankii xafladda daah-furka maansibadaasi waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Shirkadda Hass Pertroleum xafiiskeeda Somaliland Cabdirisaaq  Ibraahin  Aadan waxaanu ka hadlay  munasibada xafladani iyo ujeedada loo qabtay taasoo uu ku sheegay inay tahay sidii laysu bari lahaa wax soo saarka Hass [saliida iyo xaydhaha gawaadhida] iyo dadweynaha Somaliland isagaoo arrimahaa ka hadlayeyna waxaa hadalladiisii kamid ahaa “waxaa maanta farxad noo ah inaanu idinku soo casuuno daah-furka wax soosaarka Shirkadda Hass Petroleum”
Gudoomiyaha Hass Cabdirisaaq Ibraahin, dhanka kalana waxa uu sheegay inay Shirkadda Hass wax soo-saarkeeda laga tijaabiyey waddamo badan taasina ay guul weyn u tahay Shirkadda Hass Petroleum iyo wax soo saarkeeda,w axaanu intaa ku daray Shirkadda Hass inay si fician u bixiso canshuurta Dawladda isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “anagu ka shirkad ahaan marka laga yimaado agabka tayada leh ee aanu dalka keenay ee maanta la daahfurayo waxaanu si fiican u bixinaa canshuurta Dawladda”
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Xasan Miisaan oo ka tirsan saraakiisha Hass Petroleum waxaanu halkaa ka soo jeediyey khudbada ku baxaysay luuqadaha Somaliga iyo Ingiriiska labadaba taasoo taabanaysay Shirkadda Hass iyo wax soo saarkeeda kala-duwan.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mr James Wakiro oo ah Engineer 13  sanno ka soo shaqaynayey Shirkadda Hass xafiiskeeda dalka Kenya waxaanus heegay inay mudo dheer ka soo shaqaynaysay Hass Petroleum dalalka Bariga Africa sida Kenya,Tanzaniya, Uganda iyo qaar kale “Hass waxay ka shaqaysaa Arrimaha shidaalka iyo saliida gawaadhida lagu isticmaalo waana saliid tayadeeda la hubiyay oo heer-caalami ah” ayuu yidhi Mr James.
Dhanka kalana Mr James waxa uu sheegay inay xafladani tahay mid lagu daah-furayo adeegga xafiiska Shirkadda Hass ee lagu soo kordhiyey Shidaalkii ay horey u keenijirtay taasoo qayb-ka noqonaysa ganacsiga Hass ee kajira dalalka kale.“Hass agabkan ay hadda keentay waa kii ugu dambeeyey ee ay soo saartay” ayuu yidhi Mr James waxaanu halkaa ku soo bandhigay Film kooban oo ka sheekaynayey Shirkadda Hass Petroleum iyo wax soo saarkeeda kaladuwan kaasoo laga daawaday macluumaad farabadan oo la xidhiidha tayada shidaalka iyo saliidaha casriga ah ee kaladuwan ee ay leedahay Hass.
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Gudoomiyah Rugta Ganacsiga Somaliland Maxamed Shukri Xuluul waxaanu soo dhaweeyey isaga ku hadlayey magaca xafiiska Rugta Ganacsiga iyo kan gaarka ahee shiirkadiisaba Saladiidaha tayada leh ee Hass Petroleum dalka keentay kaasoo waxbadan ka badali doona ciladihii ku dhicijiray gaadiidka lagu shubo saliidihii hore kuwaasoo ay ka tayo fiicantahay tan ay keentay Hass isaga oo arrimahaa ka hadlayeya waxaa hadaladiisii kamid ahaa “goob waliba hadal ku haboon bay leedahay halkan waxaa inoo yaalla Buugan quruxdabadan ee ka sheekaynaya waxsoo saarka kaladuwan ee Hass”
Waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiir ku xigeenka hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq waxaanu sheegay inay saliidan ay Hass keentay naqafo u tahay Baabuurta waxaanu sheegay inay wax-waliba u bahan yihiin daryeel iyo nafaqo la siiyo si ay u waaraan sidaa darteed saliida Hass ay tahay tii dhabta ahayd isaga oo arirmahaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “maalin waliba hadalkeeda ayey leedahaye maanta waa maalintii nafaqaynta Gaadiidka”
Gabagabadii waxaa isaguna halkaa ka hadlay wasiirka Ganacsiga Dr Muuse Qaasin waxaanu sheegay inay Hass tahay shirkad dalka iyo dadkuba u baahnaayeen shidaalka iyo agabkan kale ee ay keentayna yahay mid tayadiisa la mahadiyey, dhanka kalana waxa uu wasiirku sheegay inay ka xukuumad ahaan Hass uga mahad-celinayaan inay jabisay qiimihii shidaalka ay dalka keenaysay sida uu sheegay isaga oo soo qaadanayey hadalkii Gudoomiyaha Shirkadda Hass Patroleum waxa uu yidhi “ka xukuumad ahaan waanu soo dhaweynaynaa qiime dhimista ay Hass ku samaysay shidaalkii ay inoo keenaysay”
Wasiirku waxa uu sheegay in loo baahan yahay qiima-dhimista Hass ee shidaalka inay ku camal falaan oo ay dadka shacabka ah u jabiyaan shidaalka maadaama ay Hass iyagiiba u jabisay isag aoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi “Shirkadaha  kaalmaha shidkaalka waxaa looga baahan yahay inay shidaalka shacabka u jabiyaan maadaama iyagiiba loo jabiyey haday sidaa yeeli-waayaana waanu kula xisaabtamidoonaa”
“Anigu waxaan ahay Dhakhtar yaqaana cuduradadka markaa dadka reermiyiga ahi waxay yidhaadaan kii qoorta casaa ii soo iibi  “Tetracacilin Cabpsol] markaa waxaan filayaa inay dadku odhan doonaa tii ay Hass ku qorayd [Saliida gawaadhida] ii soo iibi xafladiina sidaasay inoogu xidhantahay” ayuu yidhi wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Dr Muuse Qaasin.
By. Idiris M. Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply