Maayarka Boorame Oo Hadlay Xildhibaanno Oo La Xidhay Oo Ka Tirsan Golaha Deegaanka

0
368

Hargeysa (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha deegaanka ahna Maayarka Degmadda Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ka hadlay xadhiga Xildhibaanno ka tirsan Golaha Deegaanka Boorama oo Ciidamadda Ammaanku ay Xabsiga u taxaabeen, kuwaas oo loo xidhay Rabshado Sabtidii Todobaadkan ka dhacay Magaaladda Boorame.
Maayarka Degmada Boorama oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Boorama waxa kale oo uu Dhalinyaradda ku dhaqan Boorama ugu baaqay inay Nabad-gelyadda Ilaaliyaan.
 
“Sabtidii  waxa Magaaladda ka dhacay waxoogaa tuur-tuur ah, inkasta oo wax balaayo ah oo la sii buun-buuniyo aanay ahayn taas uun-buu Xadhiga Xildhibaanadda iyo Dhalinayraddu la xidhiidhaa, kol haddii Xaaladdi dhacdo Ciidamadda Nabadgelyaddu waxay samaynayaan hawl-gal markaa mid khaldana wey ku dhici kartaa mid saxana wey ku dhici-kartaa, laakiin marka baadhisteeda la gaadho ayuun-baa la kala ogaanayaa Qofka saxan iyo Qofka khaldan. Laba Xildhibaan-baa xidhan iyo Dhalinyarro la xidh-xidhay markii Ciidamaddu hawl-galka samaynayeen, haddii hawl-gal dhaco waa laga yaabaa in Dad daacad ahna uu saameeyo Dad Dembiga wax ku lehna ay saamayso Xildhibaanaddana taas uunbay la mid tahay, runtii haddii ay saamaysay oo la xidhay, Xildhibaanaddu Xasaanad-bay leeyihiin, Maamuus iyo Sharaf-bay leeyihiin in la ilaaliyaana waa waajib,”ayuu yidhi Maayarka Boorame.
 
Maayarka  Degmadda Boorama waxa uu intaas ku daray “Qofka Dembi-baa lagu eedayn karaa marka baadhisi timaado ayaa la ogaan karaa Qofkani sababta iyo ujeedda uu u xidhan-yahay iyo wax lagu eedaynayo, laakiin haddii aan weli baadhis la samayn waxaan idhaahdo Ujeedadaas ayaa loo xidhay ma cada oo hadda ma sheegi karo, marka laga tago hadalkii Xildhibanaddu maalintii dhaweyd ku hadleen iyaga oo intan ka badan  ee ay ka hadlayeen  Suldaankii dhawaaqay.”
Maayarku waxa uu bulshadda ugu baaqay inay is dejiyaan oo aanay dheg u dhigin dadka dacaayadaha fidinaya si ay xaalad u abuuraan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply