Wasiirka Maaliyada Oo Wakiiladda u Jilciyay Odoros-miisaaniyadeedka 2015-ka

0
338

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaalle ayaa mar kale shalay hortagay fadhigii Golaha Wakiiladda oo uu qodob qodob ugu sharaxay odoroska miisaaniyadeedka 2015-ka ee golaha horyaalla, waxaanay xildhibaanadda uu mugdiga uga saaray meelihii ay u arkayeen in la bayaamiyo.
 
Fadhigan oo uu gudoominayay Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, waxa Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale ku wehelinaayay kulankaasi  agaasimaha guud ee wasaaradaas, wasiiru dawlaha wasaaradda maaliyada iyo xisaabiyaha guud ee qaranka, masuuliyiin kale oo wasaaradaas ka tirsan.
Wasiirka wasaaradda maaliayddu waxa uu sheegay in kor loo qaaday tirada shaqaalaha dawlada mudadii ay xilka haysay xukumada uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”, wasiirku isagoo arrimahaas ka hadlaaya waxa uu yidhi “Korodhka shaqaalaha dawladu sannadkii 2010-ka waxa uu ahaa sideed kun shan boqol iyo afar. Sannadka 2015-na waa lixiyo boban kun iyo sagaal iyo sideetan.”
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan ayaa waxa uu wasiirka waydiiyay su’aal la xidhiidhay haddii uu odoroska miisaaniyada 2015-ka noqon waayo sidii ku talo galku ahaa waxa ay wasaaradda maaliyadu ka yeeli doonto. Wasiirka maaliyadda oo su’aashaas ka jawaanbaya ayaa waxa uu yidhi “Meelaha aanu filayno in miisaaniyadu ay ka soo baxdaa way noo qorshaysan tahay, afartii sannadood ee la soo dhaafay sannad-na miisaaniyadii aanu qorshaynay ismay dhimin. Sannadka 2015-ka waxaanu Alle ka baryaynaa in sidaa uu ku talo galku yahay iyo si ka badan ay u soo baxdo .”
Wasiirka wasaradda maaliyaddu waxa kale oo uu ka hadlay lacagta 2% ee loogu talo galay harumarinta gobolada bari, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Arinta la xidhiidha Gobolada Bariga iyo wax ka qabadkooda, umay yaraysan Xukumaddu, wax badan bay ka qabatay, hadday tahay Iskuulo, hadday tahay Dhakhtaro, hadday tahay Wado iyo hadday tahay Kaabayaasha kale ee dhaqaalaha ee kala duwan. runtii si weyn bay xukumaddu wax uga qabatay Intaas oo Xannaano (MCH), intaas oo Iskuul, intaas oo Jaamacadood, intaas oo wado bilaw ah intuba waxay runtii ka mid yihiin waxyaabaha Xukuumadda Kulmiye wax ka qabatay 2%-dana sidoodii ayay u galaan dakhli ka badana wuu galaa Gobolada Bari.”
Wasiir Samaale waxa kale oo wax laga waydiiyay iibinta guryaha qaranka iyo qaabka ay xukumad ahaan u maraan, isagoo arrintaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Guryaha la iibinayo, dawladdu waxay xaq u leedahay in wixii Guryo dawladeed ah ee aan la isticmaalayn la iibiyo oo Lacagta lagu Iibinayaana ay gasho Kharashka Dawladda iyo Miisaaniyadda, markaas Miisaaniyadda 2015-ka waxaa ku jira Guryaha dad ku jiro oo u baahan in loo Sharciyeeyo oo si sharci ah looga iibiyay islamarkaana Miisaaniyadda ayay ku cad yihiin.”
“Sadexdii sanno ee u dambeeyay ay miisaaniyadu si xawliya kor ugu kacaysay iyadoo weliba sanad kasta uu soo baxayey dakhli dheeraad ahi kaas oo ka muuqda miisaaniyadaha aanu idiin soo gudbinay ee 2014 iyo 2015, korodhsiimada miisaaniyada sanadka 2015 iyo sanadka 2010 uu yahay 283%. Sidoo kale waxaa misaaniyada 2015 dheertahay misaaniyadda 2014 qadar dhan 18%. Miisaaniyada sannadkan ayaa waxa ka muuqda korodh miisaaniyadeed oo aad uga badan tii sannadkii hore, iyadoo ay ku jiraan mashaariic badan oo xagga horumarinta ah,” ayuu yidhi wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale.
Gudoomiyaha golaha wakiilada mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Ciro)  ayaa waxa uu wasiirka wasaaradda maaliyadda mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale uga mahad celiyay sida fiican ee uu markii labaad golaha wakiilada u hor yimi ugana jawaabay su’aalihii ay xildhibaanadu ka waydiiyeen odoroska miisaaniyad sannadeedka 2015 oo wasaaradda maaliyaddu golaha horkeentay xiligii ku haboonaa ee sharcigu dhigaayay. Sidoo kalena gudoomiyuhu waxa uu sheegay in gole ahaan ay xilkooda ka gudan doonaan miisaaniyada 2015 ee golaha wakiilada hortaal.
By : Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply