“Waa Markii Ugu Horreysay Dumarku Afar Xubnood Ka Helaan Golaha Wasiirrada” Wasiir Shukri Xariir

0
383

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha Bulshada  marwo Shukri Xariir Ismaaciil ayaa haweenka Somaliland ku dhiiri galisay in ay ka qayb qaataan siyaasada dalka, iyada oo sidoo kale ka hadashay heerka ay Dumarku ka gaadheen siyaasada dalka.
Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland Marwo Shukri Xariir, waxa ay sidaasi ku sheegtay waraysi gaar ah oo uu la yeeshay wargeyska DAWAN, iyada oo ka hadlaysayna arrimahaasina  waxa ay hadalkeeda ku bilawday sidan:-
“Horta ILLAAHAY mahadii ayaynu joognaa oo meel wanaagsan ayaynu maraynaa, maaha in aynu ku qanacsanahay halka aynu taaganahay laakiin waxaynu joognaa bar bilaw wanaagsan jaaniskaana waxa ina siisay xukuumada maanta jirta ee uu hogaaminaayo madaxweyne Siilaanyo waa markii u horeysay intii ay jirtay Somaliland oo ay afar hablood ku jiraan golaha wasiirada, waxa aynu ognahay inta haayadood ee madaxa banana ee ay habluhu madaxda ka yihiin waxana jira hablo badan oo garyaqaano ah oo ka hawl gala xeer ilaalinta guud iyo maxkamadaha”.
Wasiir Shukri waxa ay intaa raacisay “dawladihii hore may siin jirin hablaha waxa ay xaqa u lahaayeen waxana jiray hablo looyaro ahaa oo markii ay shaqo doonteen lagu yidhi xoghayn noqda dabadeedna booskaas iska diiday oo hayado kale u shaqo tagay, halka qaar kalena duruuftu ku qasabtay oo ay ku shaqeeyeen, tusaale waxa ka mid ahayd hablaha loo diiday shaqooyinkii ay xaqa u lahaayeen ee dhanka looyarnimada Sucaad Ibraahim oo ka mid ahayd hablihii jaamacadihii Somaliya ku soo bartay sharciga ama looyarnimada iyada oo imika madax ka ah haayada burgarayso ka dib marii ay wayday booskeedii, markaa dawladihii hore may eegin xaqa ay leeyihiin dumarku”
“nasiib wanaag waxa ah oo aynu maanta ku faanaynaa una mahad celinaynaa  madaxweynaha maanta talada dalka haya Axmed Siilaanyo  sababtoo ah waxa uu xilal sare u dhiibay shan hablood oo ka mida hablihii looyarada   ahaa kuwaas oo maanta ka mid ah garsoorayaasha guud ee xeer ilaalinta qaranka, iyaga oo noqday kuwa gacanta ugu dambaysa ku qabta kiisaska maxkamada sare ee Somaliland,” ayay tidhi Marwo Shukri Xariir.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland marwo Shukri Xariir iyo arimaha bulshada Somaliland oo hadalkeeda sii wadataa wax ay intaa raacisay “markii u horeysay waxa uu madaxweynuhu magacaabay gabadh kala talisa arimaha haweenka booskaas oo aan hore loo magacaabin, sidoo kale hayada xuquuqal iinsaanka Somaliland gabadh ayaa hogaaminaysa kumiishankii doorashooyinka gabadh ayaa ku jirta oo lagu daray, markaa waxaan leeyahay haweenka Somaliland meel wanaagsan ayay joogaan waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in aynu hore u socono si aynu u gaadhno halka aynu higsanayno.”
Wasiir Shukri waxa kale oo ay ka hadashay rajada ay ka qabto in Haweenka reer Somaliland ay ku soo bixi karaan doorashooyinka soo socda, waxaanay tidhi “waxaan rajaynayaa inay doorashada ku soo baxaan haween tiro badan waayo waxaanu dabada ka riixaynaa xeerkii kootada haweenka madaxweynuhuna kama gaabinaayo sidii ay haweenka dalku uga qayb qaadan lahaayeen golayaasha kala duwan ee dalka sida baarlamaanka, sidoo kale barigii hore dumarka cidi ba waxba may waydiin jirin aan ka ahayn inay cod bixiyaan laakiin maanta waa kuwaas raga la tartamaaya ee ku jira golayaasha dhexe iyo fulinta ee asxaabta siyaasada, waxaad arkaysaa iyaga oo doodaaya oo leh maxaa gudiyada naloogu dari waayay taas oo ku tusaysa inay meel sare higsanayaan.”
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Shaqada iyo arrimaha bulshada waxa kale oo ay intaas ku dartay “waxa kaliya ee aan kula dardaarmayaa haweenka inay han lahaadaan waayo waxa meel gaadha qofkii hankiisu sareeyo waxaan leeyahay dumarka hankiinu ha sareeyo markaa ayaa guul gaadhaysaan, waayo maanta wacyigii dadka waxbaa iska badelay, xisbiyada gudahoodana waxa ay haweenku kaga jiraan meelo sare markaa isu codeeya  oo  idinka ayaa gacanta isugu haya doorashadee is doorta  maadaama oo ay haweenku yihiin kuwa ugu badan ee dhiibta cododka doorashooyinka isla markaa soo saara nin kasta oo wax is mooda, waxaan leeyahay kayrkayr yaanu idin galin ha soo baxdo inan kasta oo han siyaasadeed ku jiraa barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.”
marwo Shukri waxa ay u soo jeedisay mudanayaasha golaha baarlamaanka inay u dhago nuglaadaan kootada haweenka loo qorsheeyey oo ay eegaan xeer 20 oo arinta wax ka badelaan isla markaa laga faa’iidaysto cilmiga badan ee ku duugan hablaha hanka siyaasadeed leh oo aan laga aaminin fikir qaldan, wasiiradu waxay dumarka ugu baaqday in ay guntiga dhiisha isaga dhigaan isla markaa si wanaagsan isu soo diyaariyaan iyaga oo aan cidna ka cabsoonahayn si ay ugu soo baxaan doorashooyinka soo socda.
wasiirku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland Shukri Xariir Ismaaciil oo aan wax ka waydiiyay eedaha ku xadgudubka xuquuqda  saxaafada oo loo jeediyay xukuumada waxa ay ku jawaabtay “saxaafadu xaq bay leedahay cid xaqooda duudsiyi kartaana ma jirto laakiin waxa jira qaladaad badan oo ay bulshadu sabab u tahay oo ka dhaca saxaafadeena waayo bulshadeenu waa bulsho wada siyaasi noqotay oo jecel inay daawadaa akhriyaan dhagaystaan siyaasiyiin is haysta iyo habal habal u jawaabaaya, arintaasi waata keentay in wariyuhu wax qaldan qoro maadaama oo aan cidi ka iibsanahayn wargeyskiisa hadii uu maanta oo dhan ka sheekeeyo horumarka dalka iyo barnaamijyada ay bulshadu ka faa’iidaysan lahayd, waxaan leeyahay warbaahinteena waar qora oo sheega wixii run ah ee u baahan in la saxo lakiin wixii qarankan iyo umada wax yeelaaya ka daaya oo dalkani waa dalkiiniiye lixi jeclaysta.”
By. Sagal Cabdiraxmaan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply