Bangiga Dhexe Oo Suuqyada Hargeysa Soo Geliyay Lacag badan Oo Dollar ah

0
415

Hargeysa (Dawan)- Bangiga dhexe ee Somaliland ayaa shalay bilaabay olole hoos loogu dhigayo qiimaha sarifka lacagta qalaad ee doolarka oo kacsanaa todobaadyadii u dambeeyay, islamrkaana suuqayada sarifka u qaybiyay lacag badan oo Doolar ah, si hoos loogu dhigo qiimaha doolarka lagu sarifo.
Gudoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi, oo qayb ka ahaa hawsha Sarifleyaasha loogu qaybinayay Lacagta islamarkaana lagu xaraynayay Doolarka ayaa sharaxay sababaha wakhtigan Doolarku u kacay, isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Ujeedadu waxa weeye Doolarka oo baryahan Kacsanaa ayaanu doonaynaa inaanu soo dejino, markaa ayaanu Doolar badan suuqa soo galinay. Mar haddaan dekedu aad u shaqaynayn oo wax uga soo degayn, kol haddaan xoolo jirin la dhoofinayaa, wakhtigan waa iska dhacdaa in Doolarku kaco dabeedna anagu aanu soo dejino inta uu soo gaadhayo Qiimo macquul ah” ayuu yidhi Gudoomiye Cabdi Dirir.
Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Kicista Sicirka Doolarku keenayo Sixir bararka Miciisashada “Sixir Bararka anagu shaqo kuma lihin ee Ganacsatada ayaa samaysa oo dadka Sixirka ku kicisa laakiin, marka doolarku kaco Sixir barar bay keentaa oo Ganacsatada ayaa kordhiya Sixirka ay alaabta ku iibinayaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha baanka Somaliland Cabdi Dirir Cabdi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply