Salaadiinta Awdal Oo Ku Baaqay In Iyaga Loo Daayo Furdaaminta Arrinta Suldaan Wabar

0
378

Boorama (Dawan) Salaadiinta iyo Madaxdhaqameedka  gobolka Awdal ayaa sheegay in arrinta Suldaan Abubakar Cilmi Wabar ay gacanta ku hayaan, isla markaana iyagga laga war sugo.
waxaanay ugu baaqeen   Shacabka iyo Dhalinyaradda ku dhaqan Gobolka Awdal  in ay is-dejiyaan, nabadgeliyaddana  la ilaaliyaan.
Salaadiintaasi  oo  shalay  shir Jaraa’id ku qabtay Magaaladda Boorama waxay tilmaameen sida ay madax-dhaqan ahaan uga go’an tahay in hawlaha si nabadgeliyo ah lagu dhameeyo.
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo Shirkaasi Jaraa’id ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyay halka ay marayso waan-waanta la doonayo in lala galo suldaanka Wabar.  waxaanu yidhi “Arrinka Suldaan Abubakar Wabar ku saabsan anaga ayaa gacanta ku hayna hawshaasi si Nabadgeliyo ah ayaanu ku dhamaynaynaa, Waxaanu u sheegaynaa dhamaan Shacabka gaar ahaan Dhalinyaradda Magaaladda Boorama ku dhaqan in aynu ilaashano Nabadgelyadda.”
 
sidoo kale Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, oo isna halkaasi ka hadlay  ayaa  Dhalinyaradda ku dhaqan Magaaladda Boorama ugu baaqay inay ilaaliyaan Nabadgelyadda.
“Waxaanu ugu baaqaynaa Shacabka in Nabad-gelyadda si cad loo xaq-dhawro lana ilaaliyo, waxaanu u sheegaynaa Ummadda Dal iyo Dibad-ba ha joogaan’e cidii taladda gacanta ku haysaa waa Odayaasha waana in looga dambeeyo.  in waxaanay ogayn la gelin baan ku dardaaraynaa. Suuqa Boorama ee la yaac-yaacayaa in dhib ay leedahay mooye in aanay faa’ido lahayn-baan idin sheegayaa” ayuu yidhi suldaan Dhawal.
suldaan Dhawal oo la hadlayay bulshadda reer Boorama, waxa uu yidhi “Dad weynaha waxaan Warbaahinta u marinaynaa ha laga daayo ayaan kacdoon la abuurin, Dadweynaha waxaanu leenahay idinku ma ogin, idinkamana  aqbalayno Innan yar oo dur-duriya cid aanu ka yeelaynaa ma jirto.”
 
Suldaan Saleebaan Cali Ismaaciil, oo isna ka mid ahaa salaadiinta shirka jaraa’id qabtay oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ku hawlan yihiin sidii ay wadahadal ula geli lahaayeen suldaan Wabar, isla markaana ay doonayaan in ay hawshaasi ku dhameeyaan hab dhaqan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply