Wasiirka Dib u Dejinta Oo Jawaab ka BIxiyay Eedo Xildhibaan Aareeye U jeediyay Xukuumadda

0
437

Hargeysa (DAWAN)-Wasiirka Wasaaradda Dib U Dejinta Somaliland Md  Axmed Cabdi  Casood, ayaa  Xukuumadda taladda haysa ee uu hogaamiyo madaxweyne Siillaanyo ka difaacay  eedeymo iyo dhaleeceyn  is daba joog ah oo dhawaanahan uu  u soo jeediyey  Xildhibaan Aareeye oo golaha wakiiladda  Somaliland ka tirsani isla markaana ay isku deegaan ka soo wada jeedaan, taasi oo uu tilmaamay in aanay eedahaasi waxba ka jirin ee uu ka waantooba Xildhibaan Cali Aareeye.
 
Axmed Cabdi Casood,ayaa  cod dheer Xidhibaan Cali Aareeye oo Xukuumadda  eedeymo is daba joog ah waayadan dambe u diraayey ugu jawaabay,waxaanu ku  eedeeyey Wasiirku Aareeye nin aan deegaanka uu kursigiisa ku fadhiyo ee Xariirad ku fashilmay oo deegaankaasi aan hal mar ka ag wareegin sidii looga soo doortay, iyada oo uu sido kale ku tilmaamay Xidhibaan Aareeye nin afxumo miciinsaday oo eedeymo aan jirin la wareega oo kolba laba Oday qaadka u qaada si ay xukuumadda u dhaleeceeyaan taasina  uu kala talinaayo in uu ka waantoobo.
Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayey waxa uu yidhi “Waxaan halkan jawaab kaga bixinayaa labadii Odey ee Xildhibaan Cali Aareeye  uu suuqa ka soo kexeeyey ee uu yidhi Beesha  Ciise Xisbiga Waddani ayey ku wareegtay, Cali  waxaan leeyahay 2-ba Odey oo kolba aad Suuqyadda ka soo kaxaysay Beesha  Ciise ma metelaan ee Ciise waxa uu jooga deegaankiisii oo Waddani-na may gelin oo maaha wixii ay ahaayeen ayey yihiin oo xisbiga Kulmiye ayey  yihiin kolba meel haysku qaadin  Caliyoow ee Xariirad waata intaasi jira oo ah meeshii lagaa soo doortay oo waadiga tegi kari la ee  cagaha dhigi kari la waanad is og tahay in aanad geli kareynin labadda Odey eed soo ka xaysatayna Xariirad maaha ee waa deegaanka ee waanu ka warhayna in aanad Xariirad lug gelin Karin”
 
Md Axmed  Cabdi Casood waxa uu  Xildhibaan Aareeye ku tilmaamay in hadalo deelqaaf ah oo aan dadka qaban  la soo taagan waxana uu yidhi “Cali Aareeyoow Kolba Maahmaah yar oo aan dadka qaban ha ku odhanin ee Caga dhigo waxaan uma leynayaa in aad meel kale ku socoto oo beesha ma meteshid adiga iyo 2 laba Cali oo kale toona ooh ore ayaa laydiinka soo quustay dawladdihii hore ee aad ka tirsaneydeen waxba waa kuwii qaban waayey ee ma manta ayaad kuwo kale xisbigan iskaga soo dhigeysaan oo maalintii dhaweyd ee aad barnaamijka diyaarineyseen waataad qof kaliyaa ka weydeen magaaladda intaa leeg ee aad ku dhex dhuumateen dadkii kale,waxaan idin leeyahay waar umadda iyo dadkiina ka xishooda aad kolba meel ka leedihiin cid ayaanu ku wareejinay”
Wasiir Casood  waxa uu intaasi ku daray “Cali Aareeye Seylac iyo Xariirad toona ma tegi karo mana metelo dadka teegaankaasi ku nool hadii uu metelo bal taase ha tago adeer kolka laba Oday yaanu waxba jaadka u soo qaadin oo meelahaasi kaga hadashiin ee dadka ha ka fadhiisto oo afxumadda ka daa ayaanu leenahay Cali Aareeye’
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply