Dalka Keeniya Hay'addo Badan Oo Diiwaangalintii Lagala Noqday

0
412

Dawladda Kenya ayaa diiwaangalintii kala noqotay in kabadan 510 oo hay’adood.
15 ka mid ah hay’adahaasi ayay ku eedaysay inay xidhiidh la leeyihiin ‘ Ururada argagixisada.
Waxa kale oo ay dawladdu xayiraad saartay lacagaha u yaala bangiyada, waxayna kala noqotay ogolaanshihii shaqada ee dadka ajaanibka ah ee u shaqaynayay hay’addahaasi.
Sarkaal dawlada katirsan ayaa sheegay in hay’addahaasi ay ku guuldaraysteen in ay soo gudbiyaan diiwaanka xisaabaadkooda.
Wararka ayaa sheegaya in arrintani ay daba socoto sharci cusub oo la soo bandhigay oo muran badan dhaliyay kaas oo la doonayo in lagula dagaalamo malayshiyaadka Islaamiyiinta ah.
Ururka Al-shabaab ayaa ayaa hawlaglo ka fulinayay gudaha dalka Kenya mudooyinkan.
 

Leave a Reply