Iskuul Pakistan Ku Yaala Oo Dad Badan Lagu Laayay

0
403

in kabadan 126 qof ayaa lagu dilay kuwa kalana waa la afduubtay kaddib markii Daalibaan ay weerar ku qaadeen Iskuul ay ciidammada Pakistan maamulaan oo ku yaala magaalada Peshawar, 80 ka mid ah dadka dhintay ayaa caruur ah sida ay sheegeen saraakiil dawladda ka tirsan.
Shan ilaa lix malayshiyo ah oo xidhan dirayska laamaha ammaanka ayaa galay iskuulka, saraakiisha deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in rasaas iyo qarax laga maqlay aagaasi.
Ciidanka dawladda ayaa xidhay goobtaasi balse lama hubo in ay gudaha u galeen iskuulka iyo inkale.
Afhayeen u hadlay Daaliban ayaa BBC u sheegay in weerarkaasi uu jawaab u yahay hawlgal uu millitarigu ka wado aagaasi oo Dalaalibaanka ka dhan ah.
Waxaa la aaminsanyahay in boqoaal dagaalyanada Daalibaanka ah ay ku dhinteen hawlgalkaasi dhawaan millitarigu ay ka wadeen Waqooyiga Waziiristaan iyo agagaarka Khyber.
Ilaa shan boqol oo arday ayaa la rumaysanyahay in ay wax ka baranayeen iskuulkaasi ciidammadu ay maamulaan, welise waxaan cadayn tirada dadka la qafaashay.
Diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo gurmadka degdega ah ayaa goobtaasi lagu arkay.

In kabadanb 20 arday iyo macalimiin ayaa loo qaaday Isbitaal ku dhaw iskuulka oo Peshawar ku yaala.
 
 

Leave a Reply