Maxaad ka ogtahay Faa’iidooyinka Biyaha Badda?

0
447

Biyaha baddu faa’idooyin badan ayaa ay u leeyihiin caafimaadka jidhka iyo maqaarka, waxa ay dawo aad u tayo badan ka yihiin cudurrada ku dhaca xaglaha, Romatiisanka iyo cudurrada maqaarka ku dhaca, sida xasaasiyaddaha kala duwan ee maqaarka ku dhaca. Waxa ay khubaradu si gaar ah hoosta uga xariiqeen in biyaha baddu ay caafimaadka aad ugu fiican yihiin marka uu heer kulkoodu yara diirran yahay, oo ah xilliga xagaaga.
Khubarada arrintan baadhitaannada ku sameeyey oo sii iftiiminaya qaabka ay biyaha baddu ugu fiican yihiin caafimaadka ayaa sheegay laba sababood.:

  1. Biyaha baddu waxa ay yareeyaan miisaanka jidhka, sidaa awgeed waxa ay hoos u dhacda culayska saaran xaglaha (Laabatooyinka xubnaha) oo inta badan culaysku keeno. Marka uu qofku biyaha badda dhex galo illaa inta qoortiisa ka hoosaysaa ay qarsoomayso, waxa uu miisaankiisu noqdaa boqolkiiba 6 illaa 10 keliya intii uu markii hore miisaankiisu ahaa, taas oo u fududaynaysa in uu xaglihiisa si sahal ah u dhaqaajin karo, jimicsiyo badanna samayn karo, taas oo haddii uu joogteeyo si aad ah u ridda miisaanka.
  2. Biyaha badda waxaa ku jira maaddooyin aad jidhka muhiim ugu ah, waxaa ka mid ah, Sodium,Calcium,Chlorine Potassium, kuwaas oo marka ay xaraaradda biyuhu gaadho 30 illaa 35 digrii, inta ay maqaarka ka gudbaan hoos u gaadha xaglaha qofka.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu caddeeyeen in biyaha baddu ay maqaarka ku soo kordhiyaan dhalaal iyo in midabkiisa dabiiciga ahi furmo, waxa  aanay dhisaan, furfuran, firfircooni badanna ku abuuraan hab-dhiska muruqyada ee qofka carruur iyo cirroole labadaba.
 

Leave a Reply