Kalluun Quraarad U Eg Oo Adduunka Lagu Arkay

0
412

Waxaa dalka Newsealand meel kamid ah xeebihiisa kalluumeysato u dhalatey waddankaas ay ka heleen kalluun aad loola yaabey inkastoo abuurka Alle ay tahay, haddana waxaa arrintan aad u hadal hayey warbaahinta Caalamka iyo wargeysyada ugu waaweyn dalkaas.
Noocan kalluun oo ah mid aad u dhalaalaya, isla markaana muuqiisu aad ugu egyahay sida quraarada oo kale ayaa noqonaya noociisa kii ugu horeeyay ee lagu arko adduunka, waxaanay wareysiyo laga qaaday kalluumaysatada u dhalatay dalka Newsealand ee helay kalluunkani ay sheegeen inay iyagoo ku guda jira hawshoodii kalluumaysi ay shabaagtoodu soo qabatay noocan indhahooda ku cusub ee kalluumaysi, kaasoo ay sida ay tilmaameen aad uga yaabiyay.
Kalluunkan u eg quraaradda ayaa ah kalluun caadi ah, balse muuqiisa ayaa ah mid ifaya, isla markaana midab ahaan caddaan ah, una dhalaalaya sida quraaraddaha oo kale.
Khubarada dhinaca kalluunka iyo kalluumaysiga ayaa la filayaa inay baadhitaan ku sameeyaan noocan cusub ee kalluunka ah, iyadoo lagu rajo weyn yahay in la helo goobaha iyo xeebaha uu ku badan iyo inta tiradiisu ay le’eg tahay ama caalamka sida uu ugu filiqsan yahay.
 

Leave a Reply