Majaajileyste Jamaal Oo Ciidamada Ugu baaqay Inaanay Ka Amar Qaadan Taliyeyaashooda

0
409

Hargeysa(Dawan):- Ninka sheegta Musharaxa  Madaxweynenimada   Xisbiga Ucid majaajiliiste Jamaal Qoslaaye ayaa Ciidamada kala duwan ee Somaliland ugu baaqay in  ay diidaan oo  aanay  ka amar  qaadan madaxda  sare ee Qaranka iyo Taliyeyaashooda  madaxda u ahba, kuwaas oo uu sheegay  in ay Ciidamada siiyeen wax uu ku tilmaamay awaamiir khaldan, kuwaas  oo uu sheegay inay ku saabsanaayeen in isaga iyo dad la socdey oo soo dhoweynayey loo diido in ay maraan wadada hor marta xarunta Madaxtooyada Somaliland.
Majaajiliiste  Jamaal waxa uu sidaa ku sheegay  shir jaraa’id oo uu   Isniintii  ku qabtay magaalada Hargeysa,  dib markii uu ka soo laabtay socdaal uu ugu maqnaa dalka dibediisa, waxaanu intaas raaciyey  in ay noqon doonaan mucaarid adag oo ka shaqeeya sidii ay u hor joogsan lahaayeen xukuumada talada haysa iyo  xisbi xaakimka  Kulmiye ee xukuumadu ka dhalatayba.
 
“Ciidamada waxaan u sheegayaa waar Amarkan la idin siinayo ee ah Jamaal wadada ka hor joogsada waa amar khaldan, waana  wixii dadku ka dagaalamaye, waxaan idin leeyahay Ciidamadoow  waar diida oo haka amar qaadanina xukuumada, hana maqlina oo ha aqbalina kuwa madaxda iyo Taliyeyaashiina  sheeganaya  ee idinku yidhi yaanay   soo marin  wadada Madaxtooyada. Shacbigana waxaan u sheegayaa         oo aan ku leeyahay shibkoow Waxaynu tusaynaa Kulmiye Mucaaradadoodii mid ka weyn oo ku laban laabanta  sidaa awgeed markaynu mudaharaadayno waa inoo Madaxtooyada horteeda” ayuu yidhi majaajileyte Jamaal.
Hadaladan ka soo yeedhay majaajilayste Jamaal ayaa ah kuwo xad-gudub iyo meel ka dhac ku ah shuruucda  dalka u yaal, maadaama sida sharcigu dhigayo ay xaaraan tahay  Ciidamadda siyaasad  la geliyo,  looguna baaqo  in ay kacdoon iyo amar diido sameeyaan, taas oo hadii ay dhacdo keeni karta in  fawdo iyo nabadgelyo darro dalka ka dhacaan.
Dhinaca kalena dhawaaqan ka soo yeedhay  Jamaal ayaa u muuqda mid qayb ka ah oo la xidhiidha shirqoolo
uu cadawga Somaliland ku doonayo inuu ku burburiyo dawladnimadda iyo kala danbaynta  ka jirta dalka
Jamhuuriyadda Somaliland. Iyada oo horena siyaasiyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI hore ugu baaqeen Ciidamada Qaranku in aanay ka amar qaadan xukuumada talada haysa ee ku fadhida kalsoonida shacbigeeda.
 
Sida ay sheegayaan ilo xog ogaal ah oo aanu  helnay  majaajilayste Jamaal ayaa beryahan dambe  waxaa soo waajahday arrimo jaho-wareer iyo weji gabax   ku abuuray, kuwaasi oo la xidhiihda in musharaxnimadiisa jagadda madaxweynenimo ee xisbiga UCID ay mugdi gashay, taasi awgeedna si uu Xisbiga Ucid ugu muujiyo in uu yahay nin taageero balaadhan haysta  ayaa
todobaad ka hor intii aanu dalka ku soo laaban  waxa uu magacaabay  guddi u soo ururisa dad faro badan oo maalinta uu dalka imanayo Madaarka kaga hor yimaada soona dhoweeya, taas aawadeedna waxa ay guddigaasi  suuqyada iyo xaafadaha kala duwan ee magaalada ka soo ururiyeen carruur oo u badan ciyaalka derbi jiifka ah, kuwaas oo loo sheegay in lacag la siin doono, ka dibna inta basas lagu soo guray madaarka lagaga hor geeyey, iyada oo isla markaana ciyaalkaasi intii ay magaalada dhexdeeda basaska ku marayeen ay ku kaceen  falal anshax xumo ah oo isugu jira boob iyo  aflagaado ay u geysanayeen dadkii shaaricyada marayey, gaar ahaan marwo Faadumo Siciid oo dhawaan ka baxday xisbigaasi kuna biirtay xisbiga WADDANI.
 
Waxa la soo weriyay in Jamaal yare ay soo dhaweeyeen kooxo ciyaalo suuq u badnaa oo sida la sheegay shiiday faras-magaalaha isla markaana ay caytamayeen, kuwaasi aad moodaysay in la xusayay maalinta ciyaalo suuqnimadda adduunka.
Asbaabaha uu Jamaal u soo kiraystay kooxdan magaaladii dhegaha faraha ka gelisay, waxa uu indhaha bulshada kaga jeedinayay Hoggaanka xisbiga UCID oo ka muquurtay inay soo dhaweeyeen, iyadoo uu beryahan-ba jiray khilaaf u dhaxeeyay isaga iyo Hoggaanka xisbiga gaar ahaan Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.
Sidoo kale waxaa la si-waydiinayaa sababta  ninkaas mansabka weyn ku riyoonayaa uu iskaga indho saabayo inuu aqbalo awaamiirtii ay ciidamaddu u jeediyeen ee la xidhiidhay inaanay baabuurtiisii ay samxad hor leh ku soo kordhin karaysay cidhiidhigii ka jiray wadada, hase yeeshee uu si maan-gaabnimo ah uga uga jeed-jeedsaday soo jeedintaas.
Tallaabadan Jamaal yare waa mid jar iska xoornimo ah oo ka soo horjeeda  Go’aankii Golaha Guurtidu dhawaan axsaabta siyaasadda ugu baaqday inaanay fagaareyaasha ku qabanin xarakaad u muuqan karaya olale siyaasadeed oo aan xiligiisii la gaadhin.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply