Xildhibaanno Xisbiga WADDANI Ku Eedeeyay Inuu Carqaladeynayo Tabaabushaha Loogu Jiro Doorashooyinka

0
391

Hargeysa (DAWAN)- Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa ku  eedeeyay xisbiyadda mucaaradka inay caqabad ku yihiin horumarka dalka, isla markaana aanay diyaar u ahayn in doorashooyinku qabsoomaan.
Xidlhibaanada kala ah C/raxmaan Cismaan Caalin, Ibraahim Caraale Ruush, Saleebaan Cawad  Cali (Bukhaari) iyo Axmed Maxamed  Diiriye (Nacnac) oo shalay si gooni gooni ah ugu waramayay wargeyska DAWAN, ayaa waxa ay sheegeen inay  masuuliyad darro tahay in xildhibaanada Waddani ka soo xaadiri waayaan ansixintii miisaaniyadda 2015 ee codka aqlabiyada  mudaneyaasha Golahaasi ku meel mariyeen Isniintii todobaadkan.
 
Xildhibaan Ibraahim Caraale Ruush ayaa waxa uu tilmaamay in miisaaniyadda 2015 ee ay ansixiyeen ay ku jirto lacagtii doorashooyinka madaxtooyada iyo golaha wakiilada, waxaana uu yidhi  “Miisaaniyada qaranka oo Golaha Wakiilada  saddex bilood iyo dheeraad guddoomiyaha goluhu haystay oo dhanna ay u dhaafi wayday  gudida dhaqaaluhu iyagoo toddobaad ku soo dhameeyay waanay ku mahadsan yihiin, iyadoo ay ku jirto lacagtii labada doorasho ee madaxtooyada, iyo golaha wakiilada oo muddo badan ay ku eedayn jireen mucaaradku xukuumada iyo xisbigeeda inay  doorashada dib u dhigayaan, waxa  kale oo cadaaday miisaaniyadii ay ku jirtay kharashkii labada doorasho in ay ansixin waayeen xildhibaanada xisbiga Waddani oo saddex bilood haysteen.”
 
 
“Nasiib wanaag xildhibaannada aqlabiyada ee xisbiga Kulmiye ayaa ansixiyay miisaaniyadii qaranka, waxase meesha ka soo baxday oo aanay cidna  dafirayn in xildhibaanada uu mucaaradku iyo guddoomiyaha xisbiga Waddani aanay doorasho diyaar u ahayn, ee had iyo jeer caqabadaynayaan doorashada iyo waxa ay ku qabsoomayso, waxa kale oo aanay diyaar u ahayn miisaaniyada qaranka oo ah ta horumarka dalka oo dhami ku jiro, horumarka oo dhan way hortaagan yihiin,”ayuu yidhi Xildhibaan Ruush.
 
Xidlhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa  isaguna waxa uu tilmaamay in mucaaradkaa arrinkoodu ku soo ururay ku jiqsii, waxaanu  yidhi “Waxaanu u arkaynay in ay doonayaan inay xanibaan miisaaniyadda qaranku ku shaqaynayo, si hawlaha qaranku isku taagaan iyagoo doonaya inay uga faa’iidaystaan golaha arrimo siyaasadeed oo xisbigooda u gaara.
Sidaa daraadeed, waxa aan u sheegaynaa  bulshada Somaliland in aad ogaataan in xisbiyada mucaaradka dareenkoodu yahay ku jiqsii iyo waxba yaanay dhaqaaqin, taasina iyaga way u xun tahay, qarankana way u xun tahay, shaki ayaana imanaya.”
 
Xildhibaan C/raxmaan Cismaan Caalin ayaa isaguna waxa uu sheegay inay nasiib darro tahay in  xildhibaanada mucaaradku qaadacaan ansixintii miisaaniyada 2015, waxaana uu yidhi “Waxyaabaha degdegsiimaha keenay  ee muuqanaya  waxa ka mid ahaa in uu miisaaniyada ay ku jirto  kharashkii doorashooyinka oo ay tahay in loo dadajiyo maadaama Komishankii cusbaa bilaabayo hawshii waana sababta ay ku diidaan xildhibaanada mucaaradku  ansixinta miisaaniyadda waa masuuliyad darro waxaana ahayn ma garanayo.”
Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac)  ayaa isaguna waxa uu mucaaradka ku eedeeyay in aanay diyaar u ahayn inay  qabsoomaan doorashooyinka “markhaati ayaa laga ahaa in aanu heshiinay miisaaniyada ansixino oo doorashooyinka la qabto, xildhibaanadii mucaaradku may iman fadhigii lagu ansixinayay miisaaniyadda, taasi waxay ku tusaysaa in mucaaradku doonayaan in aanay doorashooyinku dhicin. “
By: Khadar Maxamuud Cismaan
Dawannews Hargeysa office
 

Leave a Reply