“Suldaanku Sidii Isaga Dani Ugu Jirto Ha Yeelo, Haddii Uu Dawladda la Dagaalamayana…” Wasiir Cadami

0
359

Hargeysa (Dawan) – Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed X. Cali Cadami ayaa ka hadlay Xaaladda ka taagan Magaaladda Boorama ee Gobolka Awddal, ka dib markii Suldaan ka soo jeedda Deegaankaasi uu ku dhawaaqay erayo ka dhan ah qaranimadda Somaliland, taas oo  Xukuumadduna ay Ciidamadda geysay Magaaladda Boorama.
Wasiir Caddami oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo uu sheegay in  Ciidamadda qaranku ay tagaan meel kasta oo hawl-gal ay ka fulinayaan, Waxaana hadaladii Wasiirka ka mid ahaa “Ciidanka Qaranka Somaliland meel kasta oo ay hawli ka gasho way tagayaan meelaha ay tageena ilaa maanta meel laga soo cadeeyey in ay dhib ka geysteen ma jiraan ,baal dahab ah ayay Ciidanka Somaliland kaga qoran yihiin, meel ka mamnuuc ahina ma jirto. Bariga fog iyo Galbeedka fogba Ciidan isku jira ayaa jooga waana talaabo dhinaca wanaagsan loo qaaday. Ninka neceb Ciidanka Qaranka isaga ayay jirtaa, Ninka neceb inuu Amnigu fido oo uu gaadho Bariga Fog iyo Galbeedka-ba isaga ayay Jirtaa oo u dhimanaya, soo hadal-qaadka Ciidanka ayaaba Ceeb ah.”
Wasiir Gaashaandhiga oo Warbaahintu weydiisay in Deegaanka uu Suldaan Abubakr Wabar ku sugan yahay ay Ciidamo ka socda Itoobiya ay joogaan, waxa uu ku jawaabay “Dawlada Itoobiya waa Dawlad wayn oo Qadiimi ah Xuduudkeeda way taqanaa, Ciidankeena iyo Ciidan koodu waa Walaalo si wada-jira ahna Nabada ayay u wada ilaalinayaan, markaas hadda anagu ma nihin Dad lagu Khuukhinayo Ciidan ayaa halkaas ka soo dhawaaday. Suldaanka wax wayn ayaa noo dhaxeeya anaga, Suldaan aanu la Shiraynaana ma jiro, laakiin waxaanu la Shirnay Salaadiinta ka soo jeeda Deegaanka Boorama wanaag ayay iyaguna wadaan dadaal dheeraad ahna way muujiyeen, laba maalmood qaadan-mayso ayaan odhan lahaa sidaan anigu xogogaal u ahay inta hadhayna wanaag iyo is af-garad ayay ku dhamaanaysaa. Dadka agaas dagaana diyaar uma ah wax khal-khal gelinaya Nabadooda, Caafimaadkoodda iyo Waxbarashadooda ay Gobolo badan kagaga horu-mareen in ay dib u noqon-doonaan aniga ilama ah, laakiin haddalkiina dad ayaa ka dabo-tagaya oo gun u yeelaya.”
Wasiirka Gaashandhigu waxa uu intaas ku daray  “Sharcigu nasiin maayo inaanu la hadalno Nin aan joogin Dalka guddihiisa, laakiin dad hawshaas nooga faro dhuu-dhuuban ayaa arrintaas ku maqan mar iyo lababa way is arkeen Suldaanka, tii u danbaysay uun-baa laga soo qaadayaa sidii isaga dani ugu jirto ha yeelo, isaga hadday dani ugu jirto inuu Dawlada dhan Dagaal la galana isaga ayay jirtaa iyo haddii uu uu dibadiisa ku noqonayo.” Ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigu.
 
By: idiris M.Xasan
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply