Guddoomiye Cirro Oo u Adkaysan Waayay Fal-celiska Bulshaddu Ku Naqdiday Taageeradii WADDANI u Muujiyay Suldaan Somaliland Ka Caasiyoobay

0
382

Hargaysa (DAWAN):-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa u adkaysan waayay fal celiska  naqdiga bulshadda Somaliland kaga yimid hadalkii ka soo yeedhay Afhayeenka xisbigaas Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo si cad u taageeray Suldaanka caasiyoobay ee  la yidhaadho Abubakar Cilmi Wabar ee ay ka soo horjeedsaday madax-banaanida qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland.
Waxa xisbiga WADDANI lagu dhaliilay siday sawir kale ugu yeeleen xaaladda gobolka awdal, oo afhayeenkoodu sheegay in kaareyaal xukuumaddu u dirtay magaaladda Boorame, arrintaasi oo ahayd mid beenowday oo aad loola yaabay ujeedooyinka gurracan ee xisbigaasi ka lahaa.
Waji-gabaxa WADDANI kaga dhacay Suldaankaas ay taageereeen, ayaa soo dedejisay in shalay uu shir jaraa’id qabto Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waxase uu  isna isku mataaneeyay tabashadii salaadiinta beelaha Awdal qabeen iyo dhawaaqa Suldaanka gud-curka gudaya.
 
Guddoomiye Cirro waxa uu ku guul darraystay inuu cambaareeyo hadaladii qaran dumisnimada ahaa ee uu ku tiraabay Suldaanka duurka galay, waxaanu yidhi “Shacbiga reer Awdal waa shacbi reer Somaliland ah, horena uma ay noqon, haddana ma noqonayaan  wax aan ahayn Somaliland. Wixii cabashooyin iyo tabashooyin ah ee hore u soo jeediyeen  Odayaasha gobolku  ee welina taagan, waa in xukuumadu siisaa mudnaanta  ay leedahay arrintaasi.”
 
Guddoomiye Cirro oo si gaar ah ula hadlayay shacbiga reer Boorame waxa uu yidhi  “Waxaan jecelahay in aan baaq nabadeed  u jeediyo shacbiga reer Awdal,  gaar ahaan degmadda Boorama. Waxaan ka war qabnaa  in shacbiga reer Awdal gaar ahaann magaaladda  Boorame  ahayd laf-dhabarta Tiirka nabadaynta iyo dhismaha  dawlad-nimadda cusub ee Somaliland. shacbiga, Ugaasyadda, Salaadiinta, culimadda, Dhalinyaradda iyo haweenka reer Awdal  waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadeed iyo in xaaladda hadda taagan la dejiyo.”
“Waxaan xukuumadda talladda haysa u soo jeedinayaa  in xiisadda hadda ka taagan Boorama in sidii Somaliland dhaqanka u ahayd lagu dhameeyo  wada hadal. Wada hadalkaasina la siiyo fursad iyo wakhti. Waxa kale oo aan xukuumadda u soo jeedinayaa in xoriyadooda loo soo celiyo  lana sii daayo, labadii xildhibaan ee ka tirsanaa golaha deegaanka Boorama oo sharcigu siiyay Xasaanad.”
“Waxa kale oo aan u soo jeedinayaa Suldaan  Abuubakar Cilmi Wabar,  in uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo noqdo, lana tallo noqdo,”ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay beelo shaqaaqo ku dhex martay Koonfurta Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxa aan baaq nabadeed u soo jeedinayaa  shacbiga wada dega gobolka Sanaag ee reer Somaliland, beelaha walaalaha ah ee wada dega gobolka Sanaag, gaar ahaana degmadda Ceerigaabo. Waxaan u soo jeedinayaa baaq nabadeed, waxaana leeyahay wixii inaga dhintay way dhinteen, waanan ka tacsiyadaynayaa eheladda iyo qaraabadda ay ka dhinteen iyo qaranka Somaliland-ba, waxaanan u soo jeedinayaa labadda dhinac in shaqaaqadii ka dhacday  degmadda Ceerigaabo,  in wadahadal iyo walaaltinimo lagu dhameeyo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply