Ismuujintii Xisbiyada Mucaaradku Waxay Maraysaa Inay Taageeraan Xataa Ragii Somaliland Diidka Ah

0
471

Somaliland waxay halgan dheer oo qadhaadh u soo gashay xoraynta dalkan iyadoo ay u dhan yihiin dhammaan shacabka ku dhaqan dhulka Somaliland taas oo ay u waayeen naf iyo maalba dib u soo celinta xornimadii luntay 1960kii  ilaahay mahadii waa ay ka guulaysteen kaligii taliyhii Siyaad Barre ee xasuuqa iyo baaba u gaystay shacabka Somaliland.
Waxa  1991-kii  iyadoo loo dhan yahay  guud ahaan beelaha Somaliland ku dhawaaqeen inay dib ula soo noqdeen xornimadii lixdankii isla markaana ay ka baxeen wixii la isku odhan jiray Soomaaliya, intaas ka dib Somaliland waxa ay dhabada saartay wadada horumarka iyo dimuqraadiyada illaa ay gaadho heer isku filnaasho oo caalamkuna aad ugu amaanay, waxa aynu leenahay dastuur iyo nidaam inoo dagsan oo diinta islaamka waafaqsan kaas oo aynu ku doorano madaxdeenna iyo masuuliyiinta qaranka kuwaas oo dhamaantood ku fadhiya sifo sharciga waafaqsan mana jirto cid dastuurka iyo nidaamka inoo degsan ka soo horjeeda.
Sidaas daraadeed, cidii  leh han siyaasadeed waxa ay soo martaa nidaamka inoo yaalla  ee xisbiyada qaranka, aan u soo dego ujeedada maqaalkaygane’ innagoo intaas oo dhan ogsoon waxaan shaki ku jirin in cidii diidan qaranimda Somaliland ama ku hadasha wax ka soo horjeeda jiritaanka Somalland ee u dhalatay wadanka loo aqonsanayo koox falaagawday marka gacanta lagu dhigana ay waajib tahay in la xidho iyada oon cidna laga yeelayn inay nabada iyo jiritaanka dalka wax yeesho waxa ka qabashada arrintaas waxa aynu u dooranay dawlad ay shacabku gacantooda ku soo doorteen taas oo ay waajib ku tahay cidii la timaada arrimahaasi inay gacan bir ah wax kaga qabato.
Dadweynaha  iyo xisbiyada mucaaridkana  waxa ku  waajib ah  inay dawlada ku taageeraan wax ka qabashada cidii ka soo horjeedsatada jiritaankeenna,  nasiibdarada ugu weyn ee dhacday ayaa waxa tahay  in xisbiyadii mucaaridka ee hanka ka lahaa hogaaminta dalkani ay ismuujiya siday isku lahayeen oo dawlada dhiiliila in ay xataa tageeraan oo ay dabacsanaan u muujiyaan dadka Somaliland diidka ah waxa ceeb weyn oo ay dadku la mustacajabaan noqotay in markii la arkay xisbiyada mucaaridka oo hadal gar ah  ku tilmaamaya suldaan falaagoobay kaas oo sheegay inuu Somaliland ka baxay hadalada ka soo baxay xisbiyada mucaaridka ah ee ugu qiilka sameynayaan ninkas falaagobay.
waxa xataa ku dhici waayey  arrinta ay mucaaridku galeen salaadiinta gobolka awdal ee uu suldaanku ka soo jeedo iyaga oo salaadiinta gobolkaasi intooda badani u arkaan ninkaas odayga ah mid dalkiisa iyo dadkiisaba ka galay khalad weyn.
Balse waxa iswaydiin leh xisbiyada mucaaridku hadalada noocaas ah ma waxa ay isleeyihiin taageerro ku hela? waxa iyana is waydiin leh ma waxa ay cod ka doonayaan dadka aan Somaliland ogalayn oo waxa kale oo isweydiin leh ma dal aan Somaliland ahayn ayey is leeyihiin xukuma? wali ujeedadooda lama garan bal idinba fahma, runtii waa ayaan darro in ragii dalkan hamiga siyaasadeed ka lahaa ay kala garan waayaan qaranimada iyo dhaliisha mucaaradnimo waxa ay tahay, waxa aad moodaa in ay maqleen uun wax baa la dhaliilaa oo ayna garanaynba mucaaradnimada,  waxay tahay iyo shaqada ay qaranka u hayaan ileen waa xisbiyo qarane’ mise tallow iskuguma haystaan oo qarankaba dawlada uun bay u haystaan iyaba waa yaabe.
Hadalada kala duwan ee baryahan dambe ka soo yeedha xisbiyada mucaaridka ee shacabka Somaliland meel ay u qaadaan ay garan la’yihiin waxa ay cadaynaysaa in markii ay ku jahowareereen wax qabadka tirada badan ee dadku ku diirsaday ay qabatay  xukuumadda haatan tallada dalka haysa ay garan  laayihiin wax ay ku dhaliilaan  oo ay ummada cod kaga raadsadaan, waxa aan maqaalkan ku soo gaba gabaynayaa “Biyo badan oo ku hafiyaa baashay u socdaan baa loogu dabaashaa” ee horumarka balaadhan ee dalka ka socda qaybtiina ka qaada oo iska daaya hadalada deel qaafka ah ee dadkuna idinku idinku nacayaan.  Allaa mahad leh.
By: Maxamed Yuusuf

Leave a Reply