Ilme Yar Oo Isaga Oo Laba Madax Leh Dhashay

0
382

Siday qortay jariirada lagu magcaabo Daily Star waxa dalkaasi Hindiya ku dhashay ilme yar oo leh laba madax,kaas oo noqday ilmihii ugu dambeeyey ee isaga oo mucjiso ah dalkaasi ku dhasha sannadkan sii dhamaanaaya.
Waxaanay sheegtay jariiradaasi in ilmahaasi yahay mid markasta khatar geeriyeed soo wajihi karto ,iyaga oo dhakhaatiirtuna ay ka quusteen ilmahaasi caafimaadkiisa.
Dr Ramesh Bohra oo kamid ah dhakhaatiirta dhakhtarka uu ku dhashay ilmahaasi ayaa sheegay in muddo 40 sanno ah oo uu ka shaqaynaayey caafimaadka aanu arag weli mucjisadan oo kale,isaga oo intaas raaciyey weliba marka loo eego sida ay u adag tahay ilmahan yari inuu sii noolaado.
Waxaanay jariiradu sheegtay inay walidka ilmahaasi ugu ducaynayaan ilmahaasi inuu sii noolaado ,sidoo kalena aakhirka la kala jaro .
Hooyada dhashay ilmahan oo da’ahaan ah 21 jir ayaa sheegtay in iyada iyo ilmaha aabihiiba ay yihiin dad beeralay ah,kuwaas oo aan haysan lacag,iyada oo sheegtay inay dahabkeedii u iibisay sidii ay lacagta dhakhtarka isaga bixin lahayd si ay ilmeheeda u badbaadiso.
Dr Bohra ayaa isna sheegay inay adagtahay adag tahay in mustaqbalka xataa haddii uu sii noolaado in la kala gooyaa,iyada oo dadka caadiga ah marka la kala goynaayo loo baahan yahay inuu ilmuhu gaadho muddo afar bilood ah.
Waxanu sheegay in ilmahani yahay mid leh hal jidh ,taasina ay adag tahay in la qalaa ,suurtogalna aanay ahayn in la kala saaraa.
 

Leave a Reply