Maxaad ka taqaanaa 10 meelood ee laga guuray dunnidana ugu quruxda badan

0
506

Sida lagu qoray wargeeska Arabian Business waxa jira toban meelood oo ah meelo laga guuray,kuwaas oo noqday meelaha ugu quruxda badan caalamka,kuwaas oo ah kuwo u badan meelo hore loogu noolaan jiray.
Meelahan ayaa ah meelo dalxiiska ku wanaagsan,waana meelo loo dalxiis tegi karo laakin cabsi badan leh,waxaana kamid ah meelaha lagu qoray wargeyska Arabian Business meelahan hoos ku qoran.
1: Metro abandoned warehouse:waa meel ku taala dalkaasi Maraykanka,gaar ahaana meesha lagu magcaabo Cincinnati oo ah magaalo kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn maamul goboleedka Ohio ,waana magaalo ganacsi ,sidoo kalena leh wershado badan ,waana mid dhacda galbeedka dalkaasi Maraykanka ,iyada oo noqotay meel beri hore laga guuray,sidoo kalena aad u cabsi badan,mana dhacdo in cidi tagto cabsi darteed.
2: Sunken yacht waxay noqotay meesha labaad ee ugu quruxda badan meelaha laga guuray ee adduunka ugu quruxda badan,waxaanay ku taalaa meeshani  Antarctica.
3:meesha saddexaad ayaa ah  Pripya oo ah caasimadii hore ee wadanka Ukrain,taas oo caasimad u ahayd waqtiyo hore,waxaana lagu magacaabaa iminka magaaladii dadka dhintay, iyada oo ay samayn badan ku yeelatay loogana guuray hub nuclear ah oo ku dhacay magaaladaasi.
4:meesha afraad ayaa ah meesha lagu magcaabo  Havodnos Hall,waana meel ku taala Wales waqooyigeeda,waana meel la dhisay sannadihii 1861 ilaa 1866 intii u dhaxaysay,waa meel aad u weyn waana meel taariikh weyn leh,marka loo eegaayo gobolkaasi Wales.
5:kaalinta shanaad ayaa waxa ku jira Wendell Theater oo ah meel sida hoolalka shirarka loo dhisay,waana meel ku taala Chicago ee dalkaasi Maraykanka,waxaanay balac ahaan gaadhaysaa ilaa 4000 mitir,iyada oo ku dhinac taala wadada Roosevelt.
 
 
 
 
 

Leave a Reply