Jeelka Ugu Wanagaasan Dunida

0
417

Ilaaladani Waxay rumaysan yihiin in halkani tahay goobtii denbiilaha lagu sixi lahaa laakiin aanay ahayn halkii lagu ciqaabi lahaa.  Maxaa yeelay maxaabiistu waxay waayeen arintii ugu muhiimsanayd ee ay xaqa u lahaayen oo ah Xoriyadooda. Waxa kaga baxa Norway jeelkan lacag ku dhaw hal malyuun oo doller. Waxa dhinaca kasta ku sawiran halkudhigyo dhiirigelin iyo tilmaamo siinaya maxbuuska.  Jeelkan oo lagu magacaabo Halden ayaa maxbuuska xaq u leeyahay dhamaan wixii uu qofka xorta ah ee Norway xaqa u lahaa iyo weliba in ka badan madaama ciqaabka. Maxbuus kasta Waxa qolkiis yaalla , kutub, Tv, Talaajad. Laakiin sababta sidan loo yeelay maaha inay ku raaxaystaan ee dhinaca kale waxa la rabaa in lagaga mashquuliyo mukhaadaraadka. Xataa dadka dilka loo haysto ma waayaan xuquuqdaasi. Toban  qol oo kasta waxa ay leeyihiin hal madbakh oo wax loogu kariyo. Waxa kale oo uu leeyahay garoomada ciyaaraha eek ala duwan.
 
 

Leave a Reply