Ciidamada Badda Maraykanka Oo Sameeyey Kalluun Ay Ugu Tallo Galeen Inuu Habka Basaasa U Shaqeeyo

0
407

Ciidamada dalkaasi Maraykanka ee badda ayaa sameeyey kaluun nooca basaasnimada ah ,kaas oo laga sameeyey qalab kala duwan,gaar ahaana waxyaalo naxaas ka samaysnaa,waxaana kaluunkaasi loo sameeyey sida robit-ka oo kale,waxaana si toosa loogu sii daynayaa biyaha badda.
Kaluunkan ayaa samayn kara socdaal waxooga ah ,kaas oo soo gudbin doona macluumaadka ay ciidamadu u baahan yihiin,gaar ahaana macluumadka sirdoon ee ciidamada baddu u baahan yihiin,waxaana loogu talo galay in lagu baadho macluumaadkaasi lagu soo ogaado marka loo baahdo,gaar ahaana dhinaca badda.
Qaybta warbahinta ee ciidamada badda Maraykanka ayaa sheegtay inuu robit-kani yahay mid soo kordhiyey khibrad balaadhan oo hore uga maqnayd ciidamada ,gaar ahaana dhinaca sirdoonka,iyada oo la filaayo in dhowaana la bixiyo liisan ku saabsan barojoctiga lagu samaynaayo qalabka suura gelinaayo in kaluunkaasi tegi karo meelo fog fog.
Waxaana iminka loo sameeyey kaluunkaasi Program lagu magcaabo Stealth Swimmer oo maraaya tijaabooyin kala duwan,kuwaas oo lagu guulaystay intoodii badnayd iminka.
Waxay sheegeen in la rajaynaayo in uu qalabkaasi shaqeeyo sannadka soo socda,iyada oo la filaayo inuu soo gudbiyo macluumaad badan oo ay ciidamadu ka faa’idaan,iyada oo loo isticmaali doono dhinaca Internet-ka qalab ku xidhan.
Kalunkan ayaa loo isticmaali karaa Android ahaan ,iyada oo sidoo kalena loo isticmaalaayo Program-ka aynu hore kusoo sheeegnay ee Stealth Swimmer-ka ah,kaas oo la doonaayo in lagu gaadhsiiyo maraakiibta badda taagan,sidoo kalena la doonaayo inuu warbixino kasoo gudbiyo cadowga loo adeegsanaayo,isaga oo ku shaqaynaaya xaaladaha kala duwan ee cimilo.
Sidoo kalena waxa loogu talo galay inuu u socdo hab aan sanqadh lahayn,isaga oo sidoo kalena si deg dega usoo noqonaaya,iyada oo ciidamada badda ee dalkaasi Maraykanku ay doonayaan inay u isticmaalaan ciidamada kale ee cadowga ah ama wax kasta oo cadow ah oo dagaal lagula jiro .
Dhererka kaluunkan samayska ah ayaa gaadhaaya 1.5 meters, halka uu culays ahaana gaadhaayo 45 kilograms,waxaanu badda hoos u geli karaa dherer dhan 91 meter.
Injineeradda sameeyey qalabkan ayaa tilmaamay inay doonayaan inay beyterigiisa ka dhigaan mid muddo dheer sii shaqeeya,kaas oo ka madax banaan shaqadiisa ,sidoo kalena ku shaqeeya cable dherer ahaan gaadhaaya 152 meters,kaas oo ku xidhan computer laptop ah.
Tijaabada qalabkan ayaa hore loo soo qabtay iyada oo lagu tijaabiyey qaybta difaaca ee dalkaasi Maraykanka (Pentagon),kuwaas oo iyagana sidoo kale lagu tijaabiyey robots kale oo ay ku jiraan shimbiro,cayayaan,kuwaas oo ay ku jiraan dirxiyo ,shimbiro,ey,baran baro iyo harimo cad.
 

Leave a Reply