Maroodi Gaajooday Oo Geed Salooshay Sida Adhiga Ayaa Noqday Sawirkii Toddobaadka

0
394

Mid kamid ah sawir qaadeyaal dalkaasi Talyaaniga ayaa sawir kasoo qaaday maroodi gaajo darteed geed u salooshay, kaas oo ah mid aad uga yaabiyey dadka, iyada oo aan hore loo arag maroodi geed saloosha, marka laga reebo adhiga oo lagu yaqaano, gaar ahaana riyaha.
Maroodigan ayaa sida riyaha oo kale intuu labada lugood ee dambe ku istaagey geedkaasi salooshay, taas oo la yaab ku noqotay dadkii arkaayey, waxaanu googoynta caleemahaasi u adeegsaday gacankiisa, isaga oo kala mid noqday riyaha iyo geriga oo iyagu sidaas u daaqa.
Cassini oo ahaa sawir qaadaha ayaa sheegay inay ahayd sannadkii hore markii uu halkaasi soo maray sidan oo kale, iyada oo ay halkaasi u sugnayd duur joog kala duwan, meeshuna waqtigaasi ay barwaaqo ahayd,gaar ahaana maroodiga oo halkaasi ka heli karaayey nooc walba oo uu cunto u baahdo, sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska lagu magcaabo Daily Mail .

Leave a Reply