Saamaynta Socdaalka Madaxweynaha Masar Ku Tegayo Shiinaha

0
427

Khubaro la socota arimaha siyaasadeed ee bariga dhexe iyo kuwa caalamiga ahba ayaa ka faalooday Socdaalka la qorsheeyey in Madaxweynaha Millaterigu taageerayaan ee Dalka Masar Cabdifataax Sii-Sii uu 22-ka bishan ku tegayo wadanka Shiinaha, waxana gunaanadka faalooyinka Khubaradu isugu soo biyo shubtay in Masar doonayso in Shiinuhu taageeraan rabitaanka Dalka Masar ee ku saabsan inay xubin joogto ah ka noqoto golaha ammaanka ee qaramada Midoobay, iyo sidii Masar ugu dhowaan lahayn dalka Shiinaha oo dhaqaale ahaan la filayo in uu ka kor maro Wadanka Maraykanka, xilli ay labada wadan-ba danaynayaan inay yeeshaan iskaashi istaraatiijiyadeed.
Dr Axmed Qandiil oo ah khabiir ku takhasusay arimaha qaaradda Aasiya kana tirsan xarunta daraasaadka siyaasadda istaraatiijiga ah ee AHRAM oo arintaa ka hadlay waxa uu yidhi: ‘Ahmiyadda ugu weyn ee booqashada madaxweyne Sii-sii ku tegayo Shiinaha waxay la xidhiidhaa iyadoo Shiinuhu xiligan yihiin mid ka mid ah dalalka joogtada ku ah Golaha ammaanka, taageero-na ay ka gaysan karto inay Masar hesho door kaa la mid ah’
Dhanka kalena iyadoo warbixintii ugu dambaysay ee sanduuqa lacagta adduunku soo saaray ay sheegayso in Shiinuhu xiligan la joogo dhaqaale ahaan ka horeeyaan wadanka Maraykanka ayaa booqashada Sii-sii waxay u badnaan doontaa dhanka dhaqaalaha , halka sidoo kalena ay Shiinaha iyo masar isku deyayaan inay aragti midaysan ka qaataan dhacdooyin badan oo maanta ka taagan caalamka daafahiisa.
Maxamed Cissah Carab oo isna ka tirsan Mac-had hoos taga Xarunta daraasaadka ee Al-Ahraam ayaa tilmaamay in arimaha ay labada waddan sida gaarka ah u eegi doonaan ay ka mid noqon doonto xaaladda Dalka Suuriya iyo Qaddiyada khilaafka carabta iyo israa’iil, waxana isaga oo arimahaasi faallo ka bixinaya hadaladiisii ka mid ahaa:  ‘Dawladda Masar waxay xiligan doonaysaa inay ka hoos baxdo ku xidhnaanshihii ay ku xidhnaan jirtay Dalka maraykanka oo keliya, oo ay sii balaadhiso xidhiidhkeeda dibadda, dhaqaale ahaana Masar waxaa faa’iido ugu jirtaa inay ku xidhnaato Dalka shiinaha’.
 
 

Leave a Reply