Saylici Oo Shacabka Boorame Ugu Baaqay Inay Dawladda kala Shaqeeyaan Nabad-gelyadda

0
406

By: Cumar M.Faarax
Boorame (DAWAN)- Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Eng. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil  (Saylici) oo ay weheliyaan  Wasiirro Iyo maamulka Gobolka Awdal ayaa shalay dadwaynaha reer Boorama kala qayb galay tukashada salaadii Jimcaha, iyaga oo kula tukaday masjidka weyn ee ABUHURAYRA ee badhtamaha magaalada Boorama.
Madaxweyne Ku xigeenka oo Khamiistii Tagay Boorame ayaa socdaalkiisa lagu sheegay inuu la xidhiidho sidii xal looga heli lahaa dhawaaqii ka soo yeedhay mid ka mid ah salaadiinta reer Awdal, oo dhawaan sheegay inay ka goosanayaan Somaliland. Madaxweyne ku xigeenka ayaa dadwaynaha kala hadlay halkaasi ayaa shacbiga ku boorinay inay fahamsanaadaan ahmiyadda Nabad-gelyadda isla markaana ay xukuumadda kala shaqeeyaan sidii loo sii adkayn lahaa ammaanka, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi  “Waxa ii farxad ah inaan idin kula tukado masaajidkan aadka u balaadhan ee Boorama ku yaal oo aan ka qayb ka qaatay aasaaskiisii, waxa kale oo Ii  farxad galisay sida weyn ee loo oogay salaada oo ku tusaysa sida ay dadka reer Boorama gaar ahaan dhalinyaradu ugu wanaagsan tahay diinta ku dhaqankeeda, diinteennu waxay inna faraysaa oo dhiirigelinaysaa ilaalinta wanaaga oo ay ku jirto ilaalinta amnigu, waxa aan idinku dardaarayaa inaad amniga ilaalintiisa ka qayb qaadataan oo aynu  ka wada shaqayno, sababta oo ah nabad-gelyadu waa aasaaska nolosha, waa aasaaska horumarka, nabad-gelyo la’aan  salaad ma’aynu  wada tukaneen, mana suura galeen horumarka balaadhan ee maanta dalkeenna ka socda.” Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu ugu duceeyay shacbiga reer Boorame inuu EEBE u adkeeyo tawfiiqda isla markaana ay  ka dheeraadaan wixii khilaaf ku keenaya bulshadooda.
Waxa khudbadii salaada Jimcaha ee masaajidka Abu-hurayra ee Boorame ku tukanayay dad badan oo dhegooleyaal ah, taasina waxay sababtay in khadiibka dhincaiisa uu taagnaa qof ugu turjumayay suul-dhabaalaha iyo farta dhegooleyaasha. Waxa Madaxweyne Ku xigeenka kala qeyb-galay salaadii Jimcaha Wasiirka Boosaha, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha, Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Duulista iyo Hawada, Wasiir ku xigeenka Qorshaynata, Badhasaabka Gobolka Awdal iyo Maayarka Magaalada Boorama.
 

Leave a Reply